Qaramadda Midoobay oo Daboolka Ka qaaday Cidii ka danbaysay Duqayn lala Beegsaday Doon ay Saarnaayeen Tahriibayaal Somali ah oo Diyaarado ku Duqeeyeen Marin Biyoodka Baabul Mandab
New York 28. July 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay baadhayaal ka socda ayaa xaqiijiyey in Xulafada Sacuudigu hogaamiyo ay ka dambeeyeen duqeyntii lala beegsaday doon ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo marayey xeebta degmada Xudeyda ee Yemen bishii March ee sannadkaan. Warbixin qarsoodi ah oo ay Reuters heshay ayaa xaqiijinaysa in weerarka oo lagu dilay 42 Soomaali…
