Maxaa laga faa’iday Safarrada Dibadda uu ku tagay Madaxweyne Farmaajo…? (Warbixin)
Muqdisho 30. April 2017 (SDN/QJ):- Tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo 8-dii February 2017-dii, waxaa uu dalka dibadiisa u aaday 5 safar, intooda badan war saxaafadeed kooban ma ahee heshiisyada la gaaray iyo ahmiyadooda wax macluumaad dheeri ah lagama haayo. Macluumaadka soo gaaro saxaafadda iyo hey’adaha warbaahinta ma aha mid ka…
