|

Hadhaaga Ruqaha Xoolihii Ka Bad Baaday Abaarta Gobollada Galbeedka Oo Dhimasho Xoog Leh Bilaabay, Goobaha Qaylo Dhaantu Ka Soo Yeedhayso Iyo Doorkii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo La Tabayo!

Boorama 30. April 2017 (SDN/QJ):- Deegaamo badan oo ka tiran Gobolada Galbeedka Somaliland gaar ahaan inta la ogyahay Gobolka Gabiley ayaa laga soo sheegayaa dhimasho badan oo ku habsatay xoolaha siiba Lo’da,Waxaana sida warbixin aanu ku helnay Maalmihii u dambeeyay ee Todobaadkan ku dhintay Tiro badan oo lo’ ah,Iyadoo dhinaca kalena ay qaylo dhaan badani ay soo gaadhayso Wasaarada Xannaanada Xoolaha,balse illaa imika aan si fiican loo haynin Nooca uu yahay Xannuunka ku dhacay Xoolaha iyo Tirada rasmiga ah ee u dhimatay balse waxa uu Dhakhtar ka tirsan Wasaaradu noo sheegay inay Wasaaraddu Awooda guurayso oo ay Koox Shaqaale Caafimaad ah u dirtay Deegaamadaasi balse ay u baahan tahay in Wasaaradda Laga Caawiyo Xaaladaha Noocaasi oo kale ah.

Iskuduwe ku xigeenka Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Gabiley Dr Cali Bashiir oo Wargeyska Foore la xidhiidhay,Waxna ka waydiiyay Arinta lasoo sheegayo ee dhimashada Xoolaha Bilaamay ayaa noo xaqiijiyay Arintaasi,waxaana uu yidhi isagoo khadka Telefanka noogu waramay “Lo’ ayaa ku dhimatay Geedbalaadh,illaa Waalid Xoor,Inta nasoo gaadhay Shalay, waxa ku dhintay illaa Dhawr iyo Toban Neef,waxa iyaguna jiray Xoolo Kale oo ku dhintay Deegaanka Botor oo Gabiley Duleedkeeda ah,Maadaama oo ay Abaaro badani dhaceen, Macdano faro badan ayaa xoolihii ka dhamaanaya,mana Aha Xanuuno khatar ah oo faafaya, Xoolihii way iska awood daran yihiin,Way nafaqo daran yihiin,marka dhimasho iyo Wax Walba way yeelanayaan”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga hawlgalo arimaha noocan oo kale ah,waxaana uu sheegay in arimaha taagan aanay Wasaaradu u taag hayn oo aanay keligeed kafayn karayn balse ay u baahan tahay in laga caawiyo,Waxana uu yidhi“Teem ayaa ku maqan Halkan Xooluhu ka dhinteen ee Waalid Xoor,Wali waanu wadnaa Diwaangalinta Xoolaha Dhintay,Tirada guud dhimatay waanu soo sheegi doonaa insha Allah,Caawimo ayaa loo baahan yahay,Miisaaniyad Weyn oo lagu gaadhsiin karo iyo Daawo intaasi leeg Wasaaradu ma awoodo,oo Wasaaraddu Badanka uma hayso,markaa talada iyo arimaha Noocan ah waxaynu la kaashanaa Hay’addaha inaga caawiya,laakiin Wasaaraddu Taageedii way wadaa,halkan xannuunka ka dhacay markiiba warbixin ayaan ka soo sameeyay, Dabadeed Wasaaradda ayaan u gudbiyay,Teembaana loo soo diray oo shaqaynaya”.

Maalintii Khamiistii ee Warkani nasoo gaadhay ee aanu maqalnay Xannuunkan ka dilaacay Gobolada Galbeedka,waxaanu tagnay Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha,Xafiiska Wasiirka iyo Agaasimaha Guudba way xidhnaayeen,Waxaana lanoo sheegay inaanu Wasiirku inta badan ka soo xaadirin Xafiiskiisa Wasaaradda,islamarkaana waxaa ka muuqday Wasaaradda Isku dhexyaac iyo Jahawareer Maamul oo dhinac walba leh. Sidoo waxaanu wasaaradda Xannaanada Xoolaha dhexdeeda kula kulanay Dad wayne badan oo Daawo ay Xoolahooda kula tacaalaan u soo doontay Wasaaradda,Waxaana ay noo sheegeen inay ku soo hungoobeen oo aanay joogin masuuliyiintii qaabilsanaa Bakhaaradda keydka Daawooyinka, iyadoo ay wada qufulnaayeen Bakhaaradaasi.

Waxaanu xalay isku daynay inaanu Khadka Telefanka ku helno Wasiirka iyo Masuuliyiinta sare ee Wasaarradda Xanaanada Xoolaha si aanu wax uga waydiino arintan balse noomay Suurtgalin inaanu helno,Waxaana xidhnaa Telefoonadooda Gacanta.

Comments are closed