‘’Anigaa Cadaynaya In Muuse Biixi aanu Wax Shuqul ah Ku Lahayn Khilaafkii Xisbiga Ucid, ,Wax New UCID la yidhaahdo oo meel kale galayna ma jirto’’ Cali Guray DAAWO

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo isagu hore xisbiga UCID u ahaa guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad, ayaa Mar uu Ka Hadlayay Xafladii Midowga Kulmiye & Garabkii Jamaal ee Xisbiga Ucid Waxa uu sheegay in garabkii Jamaal Cali Xuseen ahaayeen laf-dhabarta xisbigoodii, isla markaana iyagoo isku dhan ay si midaysan ugu biireen xisbiga KULMIYE,…

Read More

Khudbaddii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka jeediyey xafladdii loo qabtay Garabkii Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga la midoobay, kuwaas oo uu ku biiritaankooda ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah, isaga oo kala mid dhigay dhacdooyin muhiim ah oo dalka maanta ka dhacay, “Waxaannu aad iyo aad u…

Read More

“Siyaasaddu kolba dhinac bay isku rogtaa, annaguna ka masuugi mayno xisbiga KULMIYE haddii uu talada dalka qabto oo marka dambena uu Muuse Biixi Cabdi ku fadhiisto kursiga’’ Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Murrashaxii hore ee madaxweynaha ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo isagu hoggaaminayey garabkan sida rasmiga ah ula midoobay xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey in ujeeddadiisu ahayd sidii uu dalku guul u gaadhi lahaa, balse aanay macno weyn u lahayn inuu gaadho hankii uu lahaa ee ahaa inuu dalka hoggaamiyo,…

Read More

“Donald Trump Waa Nin Wanaagsan Oo Halyeey Ah Oo Ummadda Islaamka La Shaqaynaya….” Sh. Aadan-Sunne

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sh. Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay go’aanka uu Madaxweynaha Maraykanku ku xayiray Dadka Toddoba dal oo Muslimiin ahi inay u safri karaan Maraykanka. Sheekha Aadan-Sunne, waxa uu ku soo qaatay go’aankaas Trum, waxaanu sheegay inuu Trump yahay Halyeey la…

Read More

Facebook, Google iyo Shirkado kale oo waa weyn oo Dacwad ka gudbiyay Madaxweyne Trump

Washington 08. February 2017 (SDN/QJ):- Shirkadaha ugu waa weyn dhinaca teknooligiyadda Mareykanka sida Apple, Facebook iyo Google ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump. Waxay ku doodayaan in xayiraadaasi ay dhaawac adag gaarsiisay ganacsiga Mareykanka.   Ku dhawaad 100 shirkadood ayaa saxiixay dacwaddan oo la geeyay maxkamad racfaan oo ku…

Read More

Murashax Xasan Sheekh Maxamud oo Shalay Galab Muqdisho Ku Soo Bandhigay Tirada Xildhibaanada ee Codka Siin Doona & Nuxurka Dardaarankiisa DAAWO

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Soo dhamaaday Maalmo Olole Iyo Kaanbayn Lagu Kala Jiidanayay Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamanka Somalia Waxaa Maanta loo Balansan Yahay Doorashada Madaxweynaha Somalia ee Afarta Sanno ee Soo Socota. Hadaba madaxweynaha Wakhtigu ka dhamaaday ee Somalia ahna Murashax Mar Labaad raba in la doorto Xilkan Mudane Xasan Sheekh maxamuud…

Read More

Maxkamada Racfaanka ee Federaalka Maraykanka oo Dhageysaneysa Kiiska Amarka Trump

Washington 08. February 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda racfaanka ee federaaliga Mareykanka ayaa Bilowday ineey dhageysato doodo ku saabsan dacwad laga gudbiyey amarka madaxweyne Donald Trump ee dalkaan ka mamnuucayey inay soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta 7 wadan oo Muslim ah.   Maxkamadda ayaa dhageysan doonto qareenada labada dhinac ee kiiskan isku heysta.   Gobolada Washington iyo…

Read More

Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Cadeeyay In Doorashada Maanta uu Ka Dareemayo Musuq Maasuq Balse Muujiyey Keni adayg Siyaasadeed

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Somalia oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha ee Maanta oo Arbaco ah ka dhaceysa caasimada dalka. Shiikh Shariif ayaa niyad wanaag ka muujiyey doorashadan oo ay ku tartamayaan 22 musharax…

Read More

Toban Murashax oo ka mid ah Siyaasiyiinta u Tartamaya Maanta Doorashada Madaxweyne oo Isku Biiraya & Sida ay Isbedel Ku samayn karaan DAAWO

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaaladda Muqdisho Ka Dhacaysa Maanta Doorashada Madaxweynaha Somalia,Hadaba Waxaa Shir Xalay Ku Yeeshay Magaaladda Muqdisho Ilaa Toban Murashax oo Ku Heshiiyey Si ay isbedel u dhaliyaan in Wareega 1aad Murashaxooda ugu Sareeya ay Codkooda Ku Biiriyaan. https://www.youtube.com/watch?v=K0aaV2IyHv0

Read More

Musharaxiin Madaxweyne oo Isbaheysi sameestay iyo Xog ku aadan qorshaha ay ku heshiiyeen

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Warar hoose aan helnay ayaa tilmaamaya in Musharaxiinta Madaxweyne qaar badan oo kamid ah ay sameesteen isbaheysi ay doonayaan in ay kula dagaalamaan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Doorashada Maanta Ka Socota Magaaladda Muqdisho.   Musharaxiintan ayaa aaminsan hadii ay Isbaheysi sameestaan ayna si dhab ah isu taageeraan in ay ka…

Read More

Tirada Dadka Loo Qoondeeyay inay Ku Sugnaadaan Hoolka ay Ka Dhacayso Doorashada Madaxweynaha Cusub ee 4-ta Sano ee Soo Socda Somalia Hogaamin doono & Halka ay Ka Kala Imanayaan DAAWO

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaaladda Muqdisho ka Dhacaysa Doorashada Madaxweyne ee Somalia Waxaa Loo Qoondeeyay inay Hoolka ay Doorashadu ka dhacayso Soo Galaan 329 Xildhibaan golaha shacabka iyo aqalka sare,24ka Musharrax Madaxweyne iyo 24 kooda kaaliye, Inkasta oo Tirada Murashixiinta ay Laba Ka Mid ahi Tanaasuleen,Suxufiyiinta gudaha iyo dibadda oo ka kooban…

Read More

Maxaad kala socotaa musharaxiinta ay kala taageerayaan madaxda maamulka goboleedyada?

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka oo shalay illaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa door weyn ka cayaaraya ololaha doorashada madaxweyne ee ka socda caasimada dalka. Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo Axaddii yimid Muqdisho ayaa ilo ku dhow sheegayaan inuu taageerayo Murashaxnimada Cumar C/rashiid. Gaas ayaa la…

Read More

Xildhibaan Sheegay inuu Wax Ku Dooran Doono Daraasad ay Siiyeen Bulshada uu Matalo si uu u Rumeeyo Rabitaankooda ee Doorashada Maanta ee Madaxweynaha Somalia DAAWO

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay barnaamij uu ku aruurinayay aragtida dadka Soomaaliyeed uu matalo kuwaa uu ku weediinayay cida mudan in uu codkiisa siiyo.   Waxa uu sheegay Xildhibaanka in uu aruurinayay aftida dadka Soomaaliyeed uuna ku ogaanayay cida…

Read More

Madaweynaha Nigeria oo ka Dalbaday Baarlamanka Muddo-kordhinta Fasax Caafimaad oo ka dhammaaday

London 08. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo dalka Britain u jooga Safar caafimaad, ayaa Baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan wakhtiga fasixiisa oo Isniintii ku dhammaaday, ka dib markii ay Dhakhaatiirtu u sheegeen in loo baahan yahay inuu sugo natiijooyinka baadhitaankiisa Caafimaad. Madaxweyne Buhari, ayaa dalka Nigeria ka tegay laba…

Read More

Muqdisho: Musharaxiin madaxweyne iyo xildhibaanada oo caawa aan kala Seexanayn ,Ololaha Doorashada oo sii xoogeystay & Murashixiin u Tanaasulay Xasan Sheekh

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):-Iyadoo saacado kooban ay naga xigaan xiliga ay bilaabaneyso doorashada madaxweynaha oo beri ku beegan ayaa musharaxiinta ku tartamaya xilkaas waxay caawa wadaan ololahoodii ugu dambeeyey. Kulamo adag ayaa waxay ka socdaan qaar ka mid ah hotelada iyo xarumaha ay ku sugan yihiin xildhibaanada baarlamanka, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin musharaxiinta…

Read More

Wararkii Ugu Dambeeyay Ololaha Doorashada ee ka socda Muqdisho iyo Musharaxiinta qaar oo bilaabay in ay…

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa sii xoogeesanaya ololaha ay wadaan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Mashquul badan laga dareemayaa Hoteelada Muqdisho qaarkood iyo xarumaha ay degan yihiin Musharaxiinta. Ololaha Xoogooda waxaa wada qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne kuwooda ugu saameynta badan tartanka adagna uu u dhaxeeyo, waxaana xalay ilaa saakay laga dareemayaa…

Read More

Xaraarada Siyaasadeed ee Somaliland oo Laba Kaclaysay & Xisbiga Waddani Oo Xaaraan & Khiyaamo Qaran ku Tilmaamay Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Laga Siinayo Berbera, Sheegayna In Somaliland ay Cadaawad Hor Leh Kasbanayso DAAWO

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Waddani ayaa lafo guur dheer kadib waxay ka hadleen qorshaha xukuumadda Somaliland ku doonayso inay Dalka Imaaraadka Carabta Saldhig Ciidan ka siiso magaalada Berbera. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed C.laahi Uur Cade ayaa soo bandhigay Mawqifka Xisbiga Waddani ee Saldhiga Mileteri ku aadan.

Read More

War Deg Deg ah: Duqeymo xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho, xili amniga la xoojiyey

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):- Duqeymo ayaa goor dhow abaare 8:10 fiidnimo ee caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo loo adeegsaday madaafiic hoobiyeyaal ah. Duqeyntan oo daryankeeda si weyn looga maqlayey inta badan magaalada ayaa khal khal xoogan ku abuuray shacabka magaalada. Wararka ugu horeeya ee la helayo ayaa sheegaya in…

Read More

‘’Nin Hulaab Xumi Inuu Wax Qarsanayo ayaa La Moodaa,Waxaa Jira Wax ay Xukuumaddu Qarinayso,Waa Sharci Jebin In Fadhi Wada Jir ah Loo Maro…..’’ Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid DAAWO

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Xuseen Axmed Caydiid Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada haatana ka Mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Si Qoto dheer uga hadlay Qorshayaal dhagaraysan Sida uu Xusay oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Xalaashanayso Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka ay ka siinayso Magaaladda Berbera,Kaas oo uu Sheegay in Dhaqaalaha uu Imaaraadku ku…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Si Kediso ah Isugu Yeedhay Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland (Guurtida & Wakiiladda) & Qaddiyada Laga Wada Hadlayo

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo) ayaa la sheegay inuu labada Shir Gudoon ee Guurtida iyo Wakiilada u qoray warqad dalbaysa in 12 bishan aynu ku jirno fadhi wada jir ah la iskugu yeedho Xildhibaada labada. Inkasta oo Si Faahfaahsan aan Looga Warbixin Dulucda Fadhigaas ayaa Shirgudoonka Labada Gole…

Read More