SOOL: 16 Jir Iyo 9 Jir Isku Adeer Ahaa Oo Dil Naxariis-darro Ah Loogu Geystay Dharkeyn-Geeye, Colaad Ka Dhalan Karta & Xog-warranka Badhasaabka Gobolka

Laascaanood 20. December 2016 (SDN/QJ):- Dad aan haybtooda la Aqoonsan baa si Naxariis-darro ah Qudha uga jaray Laba Wiil oo isku Adeer ahaa, kuwaasi oo Da’dooda lagu kala sheegay 16 jir iyo 9 Jir. Dilkan oo ka dhacay Deegaanka Faras-cawle oo ku taalla Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya isla-markaana u dhexeysa Tuulada Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka…

Read More

Garsoorayaal Ka Socday Maxkamadda Sare Oo Ka Warbixiyey Tirada Dacwado Ay Ku Qaadeen Burco Oo Safar Ku Joogeen

Burco 20. December 2016 (SDN/QJ):- illaa Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa bishan aan ku jirno hawlo shaqo u Joogay Gobolka Togdheer,waxaanay Warbixin ay siiyeen Warbaahinta Gobolka Togdheer kaga hadleen Ujeedada safarka ay Gobolkaasi ku joogaan,waxa ay shaaca ka qaadeeni inay gabi ahaanba gacanta soo mariyeen Wixii dacwado u yaalay Gobolkaasi,marka…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Muxaadaro (Public Lecture ) U Jeediyay Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Jaamacadaha Dalka Ethopia

Addis Ababa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID ayaa Public Lecture U jeediyay, Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Ethopia . Kulan aqooneed-kan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb Ardayda Reer Somaliland Ee wax ka barata…

Read More

Hargaysa: Dablay Abaabulan oo Weerar Qorshaysan Xalay Ku Qaaday Xoghayaha Caddaalada  ee Xisbiga Waddani Haldoor Barkhad Batuun & Dhaawaca Soo Gaadhay

Hargeysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Koox aan la ilaa iyo haatan la aqoonsan ayaa Xalay weerar abaabulan ku qaaday Xoghayaha Caddaaladaa ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun kuwaasi oo dhaawac soo gaadhsiiyey xoghayaha weerarkaasi oo ka dhacay badhtamaha magaalada Hargeysa.   Xoghayaha Caddaalada Waddani Mudane Barkhad ayaana bogiisa Facebooga soo dhigay Sawirada…

Read More

TOGDHEER: Abaarta Oo Mareysa Meel Halis Ah Iyo Magaalooyinka Oo Laga Raafayo Gaadiid Lagu Daad-gureeyo Biyo & Raashinka Gurmadka

Burco 20. December 2016 (SDN/QJ):- Xaaladda Abaareed ee ka taagan Gobollada bariga Somaliland, ayaa gaadhay meel halis ah. Abaartan oo saameysay Dadkii iyo Duunyadii ku dhaqnaa Gobollada Togdheer,  Sanaag, Sool iyo Saaxil, ayaa deegaannada ugu daran xilligan waxa ka mid ah Gobolka Togdheer sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Deegaanno Dalka Ka Mid Ah Dad Ugu Dhinteen Xanuunnada Shuban-Biyoodka Iyo Oof-wareenka

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay In qaar ka mid degmooyinka Gobollada dalka qaarkood ay ka dilaaceen xanuunnada Shuban-biyoodka iyo Oof-wareenka isla-markaana deegaannada Qaarkood Dad u dhinteen. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Diiriye, ayaa sheegay xanuunnadaasi ay ka dhalayaan Bakhtiga Xoolaha ku dhimanaya abaaraha ka jira Gobollada bariga Somaliland, kuwaasi…

Read More

Warbixin Caalami ah oo Qiimayn Ku Samaysay Siyaasiyiinta Caalamka ugu Awooda Badan Sannadkan sii Galbanaya ee 2016 & Mas’uuliyiin Loo Han-weynaa oo Meelo Hoose Galay

Moscow 20. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa kaalinta koowaad ka galay dadka ugu awoodda badan dunida dusheeda sida lagu sheegay warbixin Majalada Forbes ka diyaariso dadka ugu awoodda badan caalamka ee xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha. Madaxweyne Putin waxa awooddiisu kor u soo kacday waqtigan oo uu dunida ay ka jiraan xaaladdo adag…

Read More

Ergada Somaliland kasoo Jeeda ee Muqdisho u Lacag tagay oo Xadhig iyo Jidh-dil kala Kulmay Doorashadii Dalka Soomaaliya

Muqdisho 20. December 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah ergooyinka Soomaaliya u tagay inay doortaan Xildhibaanada Matalaya Somaliland oo  shalay ku  mudaharaaday magaalada Muqdisho  ayaa la xidhxidhay, halka qaar kalena  la garaacay. Ergooyinka ayaa ka cabanayay wax isdabamarin iyo afduub loo gaystay qaar ka mida Salaadiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, Waxay sidoo…

Read More

Sucuudiga Oo Heshiis Dhoofka Xoolaha Iyo Khudaarta Ah La Saxeexday Dalka Urdun

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Waddamada Sucuudiga iyo Urdun ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ganacsi oo dhigaya in dalka Urdun u soo dhoofiyo dalka Sucuudiga noocyo ka mid ah Xoolaha nool iyo Khudaarta, xilli Sucuudigu xayiraad kusoo rogoy dhoofka Xoolaha nool ee Soomaalida. Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiya dalka Urdun, Fahd  Ibn…

Read More

Dar Dar Cusub oo la Geliyey Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia u Matalaya Somaliland DHAGAYSO

Muqdisho 20. December 2016 (SDN/QJ):- Doorashada Aqalka Hoose ee xildhibanada Somaliland ayaa dib uga billaabatay Muqdisho kaidb markii dhawaan ay guddiga doorashooyinka ay u joojiyeen gacan ka hadal ka dhex dhacay xarunta dooarshada.   Doorashadii Shalay dhacday ayaa lagu doortay illaa lix kursi waxaana xildhibaanada soo baxay ka mid ah xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo…

Read More

Doorasho Yaab leh oo Shalay ka dhacday Muqdisho iyo Walaalo Somaliland ka soo Jeeda oo hal kursi ku tartamay,Sidoo Kale akhri Magacyda Iyo Beelaha ay ka soo Jeedaan Xildhibaano la doortay

Muqdisho 20. December 2016 (SDN/QJ):- Waxaa magaalada Muqdisho dib uga bilaabatay Doorashada xubnaha Aqalka hoose ku matalaya beelaha dega gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana la doortay Lix Xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar.   Doorashadii ugu yaabka badneed ee ka dhacday magaalada Muqdisho Shalay ayaa aheed mid u dhaxeysay Labo Musharax oo wada dhashay,…

Read More

Maxaa ka jira in dilkii gabdhaha Soomaalida loogu geystay Canada uu ka dambeeyey Walaalkood?

Ottowa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Saraakiisha Booliska dalka Canada ayaa shaaciyey iney gacanta ku dhigeen Muscab C/raxmaan oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay dilka gabdho walaalihiis ah oo ka dhacay gurigooda uu ku yaalla Magaalada Ottowa. Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay ka qabanayeen meel u dhow gurigooda oo uu…

Read More

Amnesty International oo ka Digtay Ficilada Isir Sifaynta ah ee Mileteriga Myanmar Ku Hayan Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ficilada ay gaysanayaan milatariga Myanmar in ay noqon karaan “dambiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”, Ka dib markii ay soo baxeen eedaymo sheegaya in dhibaato loo gaysanayo Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay. Warbixintii u dambaysay ee hay’addu soo saartay…

Read More

Safiirkii Ruushka U Fadhiyey Dalka Turkiga Oo Nin Hubaysani uu Ku dilay Madxaf Ku Yaala Ankara & Weedhaha uu Dilaagu Ku Dhawaaqayay DAAWO

Ankara 19. December 2016 (SDN/QJ):- Waxa Dhintay Safiirkii Dawladda Ruushka u fadhiyey Caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara Andrey G. Karlov, ka dib markii uu dhaawacay Nin Baastoolad ku hubaysnaa. Safiirka Ruushka, ayaa u dhintay Dhaawac uu u geystay Nin Baastoolad ku hubaysnaa oo Dhabarka dambe ka toogtay isagoo hadal ka jeedinaya Madxaf ku yaalla Ankara…

Read More

Qaraar ka soo baxay Gunaanadka Shirweynaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE/SAWIRO

Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo xidhay shirweynahii Garabka Dhalinyarada ee Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye oo muddo labo maalmood ah ka socday Magalada Hargaysa. Hordhac Shirweynihii Garabka Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE ee bishan Diisambar 18 – 19,…

Read More

Xog-warranka Gabadh Laba Sannadood Kiristaan Ahayd Oo Toobad-keentay, Tirada Qoysaska Soomaalida Ah Ee Gaaloobay & Tabaha Looga Saaray Diintooda Islaamka DAAWO

Sweden, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Waxa sii kordhaya Dedaallada Dadka Muslimiinta ah ee Soomaalidu ka mid tahay Diintooda Islaamka lagaga saarayo isla-markaana lagaga dhigayo Dad Masixiyiin ah oo haysta Diinta Gaalada. Soomaali badan oo Qoxootinimo ku tagay Dalalka Qaaradda Yurub, ayaa Diintii Islaamka ee ay ku dhasheen ka baxay oo noqday Masixiyiin Qoorta ku…

Read More

“Anigaa Muuse qoray Jabhadda, markaa Meel uu Madaxweyne u soo marayaa ma taallo…….” +“Muuse Biixi wuxuu noqonayaa Madaxweynaha ku xiga Axmed-Siilaanyo..Waayo……”? Cali Guray DAAWO

Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa Qaatay hab dhaqanka JirJiroole ee Siyaasadeed Wuxuu Labadan Hadal Iyo Kuwo Kale oo Muuqaalkan Ku Dhex jira uu Jeediyey Sannad Gudihii. https://www.youtube.com/watch?v=IiX3p2f12wU https://www.youtube.com/watch?v=9pU2EYMYNuw

Read More

‘’In kasta oo ay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye wax-weyn qabatay, Hadana Waxa Dhab ah Inaan Muddo Xileed Keliya Wax Walba lagu Xaqiijin Karin’’ Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ayaa Magalada Hargeysa Ka Furay Shirweynaha Garabka Dhalinyrada Xisbiga Kulmiye Oo Mudo Laba Cisho socon Doona Isla Markaana Maanta la Soo Gabo Gabayn doono.

Read More

Su’aalo Ka Dhashay Waxa Axmed Muumin Seed Kula Gorgortamayo KULMIYE, Haddii Beeshiisu Ku Biirtay

Hargaysa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Garabka Toosinta ee Xisbiga WADDANI isla-markaana uu Hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay taageerayaashoodii Beesha Habar Carfaan ee Toddobaadkii hore ku biiray Xisbiga KULMIYE. Beesha Habar Carfaan oo ka dhashay Axmed Muumin Seed, ayaa iyaga oo uu Hoggaaminayo Suldaankooda Guud waxay ku biireen Xisbiga KULMIYE, Xilli aanay dhammaanin…

Read More