Maxamed Cabdi Maareeye oo kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho
Muqdisho 10, Diisembar, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku guuleystay kursiga aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib doorasho saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho. Maareeye waxaa la tartamayay Axmed Max’ed Cumar,waxaana ay natiijada noqotay in Maareeye wada helay dhamaan codadkii 51ka ahaa,halka uu Axmed ku guuldarreystay in uu helo xitaa…
