Cilad gashay Facebook oo sababtay in dad nool barahooda lagu qoray iney dhinteen & Falcelinta Shirkada Facebook

Washington 13.November 2016 (SDN/QJ):- Khalad farsamo oo ku dhacay barta xiriirka bulshada ee facebook ayaa keenay in muddo saacado ah dad badan oo isticmaala lagu arkay barahooda fariimo muujinaya inay dhinteen. Ciladan oo dhacday Doraad Jimcihii ayaa keenay inay dad nool barahooda lagu arko astaan murugo oo baroor diiq ah. Fariintan baahday ayaa ahayd mid…

Read More

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Hambalyeeyay Xulalkii Ku Guulaystay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Dalka & Laamihii Dawlada ee Taabo Geliyey

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Waddani wuxu hambalyaynayaa qabsoomidda iyo dhamaystirka tartanka ciyaaraha gobolada ee markii ugu horreysay ee kala badh muddadii lixda sano ahayd ee ay Xukun ka hayeen Xisbiga kulmiye ka qabsoontay Somaliland,Sidaa Waxaa Yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani C.rashiid Xasan Mataan oo Qoraal Kooban ku faafiyey Barta uu Ku Leeyahay Shabakada…

Read More

Madaxweynaha JSL, Oo Maanta Ka Qaybgalay Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee Koobka Gobolada Somaliland Oo Dhexmartay Xulalka Awdal Iyo Saaxil, Iyadoo Guushuna Raacday Gobolka Awdal SAWIRO

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta ka qaybgalay daawashada ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka xiisaha badan ee gobolada dalka Somaliland. Ciyaartaas oo ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo dadkii daawanayey la dhaceen hanaanka ay u wada ciyaareen labadaa…

Read More

Xulka Gobolka Awdal oo Ku Guulaysatay Koobkii Kubada Cagta ee Gobolada S.land Iyo Xulka Gobolka Saaxil oo Hantiyey Koobkii Kubada Kolayga

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta Gudoonsiiyey Xulka Gobolka Awdal Koobkii Kubada Cagta ee Tartanka Gobolad Somaliland Kadib Markii ay Ka Guulaysteen Xulka Gobolka Saaxil oo 2 iyo Hal ay kaga badiyeen Kadib Markii ay Isugu soo Baxeen Ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Gobolada Somaliland oo…

Read More

Badhasaabka Gobalka Togdheer oo Xisbiga WADDANI Ku Ammaanay Doorka ay Ka Qaateen Gurmadka Abaaraha ee Deegaanada Bariga Somaliland

Burco 12.November 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamed Ibraahim Aadan(Qabyo-tire), ayaa Xisbiga WADDANI ku ammaanay sida ay ugu soo gurmadeen isla mar ahaantaana ay dareen ahaan dadka abaarahu saameeyeen u la qeybsanayaan dhibbaatada iyo xanuunka ka soo gaadhay abaaraha ka taagan deegaanada bariga Somaliland. Md.Maxamed Ibraahim Aadan(Qabyo-tire), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey…

Read More

Madaxweynaha la Doortay ee Maraykanka Donald Trump Maxuu Ka Yidhi Saddam Xuseen, Qaddaafi & Bashaar? DAAWO

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waxa uu ka hadlay arimo ku saabsan bariga dhexe, Waxana uu sheegay Donald Trump in xaalada gobolkaasi ay ka wanaagsanaan lahayd sida ay haatan tahay hadii ay xukunka sidoodii u haystaan Madaxweynayaashii Saddaam Xuseen iyo Mucammar Al-qaddaafi. https://youtu.be/gTy4O13YbiQ

Read More

KULMIYE oo Xaruntiisa ku Qaabilay Masuuliyiin iyo Xubnihii Golaha Dhexe ee WADDANI u Qaabilsana Gobollada Bari SAWIRO

Hargeysa 12. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa qaabilay masuuliyiin, siyaasiyiin iyo xubno golaha dhexe ee xisbiga WADDANI u qaabilsanaa deegaamo ka tirsan Gobollada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo Buuhoodle, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray xisbal-xaakimka. Kulan shir jaraa’id ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa maanta, kana…

Read More

Wefti Ka Qeyb-qaadanaya Gurmadka Abaaraha oo uu Hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xalay Gaadhay Burco+SAWIRO

Burco 12. Novembar 2016 (SDN/QJ):-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ujeedkiisu daaran yahay ka qeyb-qaadashada gurmadka Abaaraha ee saameeyey deegaanada bariga Somaliland, ayaa Xalay fiidkii gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer. Weftigan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen siyaasiyiin miisaan culus oo iskugu…

Read More

Madaxweyne Donald Trump iyo Marwadiisa oo Obama iyo Xaaskiisu Ku Qaabbileen Aqalka Cad ,Arrimihii ay Ka Wada Hadleen,& Weedho Dublamaasiyadeed oo Obama u Sii Qadimay Trump DAAWO

Washington 11.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trum iyo Madaxweynaha Shaqada ka sii tegaya ee Barack Obama, ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo waddankaas ku kulmay. Halkaas oo uu Obama ku soo dhaweeyey Madaxweynaha uu xilka ku wareejin doono ee la doortay Mr. Trump. Kulankan, ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad…

Read More

“Faysal Cali Waraaboow, Siddii Madaxweynahu Sheegay Umaddaa UF Ku Tidhi oo Basaas Baad Ahaan Jirtay, Cirro na Waa Ninkii Barafka iyo Qaxoontiga Ka Soo Ka Xeeyey ee Finland Ku Geeyey.”.Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI DAAWO

Xoghayaha Guud ee WADDANI oo Dhalliilay Shirkii UCID+Xukuumadda oo uu Ku Eedeeyey in Ay Faysal Cali Waraabe u Adeegsanayso Burburinta Shuruucda Dalka iyo Jawaabo Adag oo uu Ka Bixiyey Hadalo uu Faysal Hore ugu Duray Cirro iyo Uurcade Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa si…

Read More

Hargaysa:Kulan Hal Maalin ah oo Dhaqaale aad u badan Loogu Tabarucay Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Somaliland DAAWO

Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Kulan uu Madaxweynaha JSL qasriga Madaxtooyada ee magaalada hargaysa kula yeeshay Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka ganacsatada waaweyn ee dalka ka mid ah ayaa waxaa lagaga dhawaaqay taageero dhaqaale oo gaadhaysa hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah oo ay ganacsatadu kaga qayb qaadanayaan xaalada abaaraha baahsan eek a…

Read More

“Anigu waxaan u dhashay Somaliland, gooni istaaga Somaliland ayaan aamisan nahay, Maxamed Kaahin malaa wuxuu ka didayaa biyaha kashiisa ku jira’’Prof Buubaa

Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Guddomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa mar kale isweydaarsaday weerar iyo weerar celis siyaasadeed. Maxamed Kaahin, ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkii golaha dhexe ee xisbiga UCID, wuxuu sheegay in KULMIYE iyo UCID ay iskaga mid yihiin inaanay hoggaanka xisbiga ka mid…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Dibadiisa

Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo mudooyinkii u danbeeyay gurigiisa u jiifay jabniin ka soo gaadhay Misigta Midig ayaa dalka dibadiisa loo qaaday.   Waxaana Madaxweyne xigeenka loo qaaday magaalada Dubai ee xarunta isutaga Imaaradka Carabta, Madaxweyne xigeenka ayaan ilaa hada xaalada caafimaad ee jabniinkani aheyn mid…

Read More

Gudoomiyaha Garabka Toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI Md, Axmed Muumin Seed Oo Magacaabay Laba Guddi oo Laba Shaqo Kala qabanaya

Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiyaha Garabka Toosinta iyo cadaalada Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed waxa uu magacaabay laba gudi oo uu ku sheegay inay kala yihiin, Guddida Abaabulka iyo wadahadalada ee garabka toosinta Iyo Cadaalada Xisbiga WADDANI kaas oo uu gudoomiye uga dhigay Marwo HInda Jaamac…

Read More

“Dhinac waxa ka jira Dastuur Damaanad qaaday xorriyadda Warbaahinta, Dhinaca kalena waxa jira dhaqankii iyo shuruucdii uu ka tegay Taliskii Maxamed Siyaad Barre..” Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Mowqifkiisa Ku Aaddan Xorriyadda Warbaahinta Somaliland

Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Waxa Doraad Magaalada Hargeysa laga xusay Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad kasta la qabto 9-ka bisha Noofambar, waxaana lagu soo bandhigay Doorka Saxaafaddu kaga jirto Horumarka Dadka iyo Dalkaba iyo weliba Caqabadaha ku xeeran. Sidaasi darteed, ayaa Xisbiga WADDANI waxa uu saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlay Mowqifka uu ka taagan yahay…

Read More