Doorashooyinka Somaliya oo Mar kale laga Cabsi Qabo inay Dib u dhacaan Iyo Sababta Keenaysa
Muqdisho 05, October 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee dalka Somaliya ka dhacaya sannadkan 2016-ka, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen, doorshooyinka xildhibaannada ka imaanaya Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. War saxaafadeedka Guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka sugayaan go’aan ka gaadhista goobta ay ka dhaceyso doorashada Hiiraan…
