|

Ciidamada Amaanka oo Magaalada Burco ka Fuliyay Hawlgal ay dad ku Xidh Xidheen

Burco 31.October 2013 (SDN)-Booliska magaalada Burco ayaa howlgallo ay sameeyeen ku soo qabqabtay tiro dad ah oo uu sheegay in lagu tuhmayo falal lid ku ah ammaanka.

Taliyaha booliska gobolka Togdheer, Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa sheegay in howlgallada ay dadka ku soo qabteeni ay yihiin kuwo caadi ah oo lagu sugayo ammaanka, ayna socon doonaan muddo labo maalmood ah.

Hawlgal Ciidanka booliskaTaliyaha ayaa intaas ku daray in baaritaan kaddib, tuhmaneyaasha ay hayaan ay u gudbinayaan maxkamad, si ay go’aan uga gaarto eedaymaha loo haysto.

Sarkaalku ma sheegin tirada rasmiga ah ee dadka ay ku soo qabqabteen howlgallada ay ka sameeyeen magaalada Burco.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed