|

Qoraal ay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ku Hakisay Soo Xidhida Sheekh Almis Yaxye iyo Nuxurka Dacwadiisa

Hargaysa 31.October 2013 (SDN) Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal C/laahia Ismaaciil ayaa soo saaray Amar uu ku hakinayo Waaran Maxkamadda Gobolka Hargeysi hore u soo saartay kaasoo la doonayay in lagu xidhi Sh Almis Yaxye iyo sadex xubnood oo kale.

Sheekh Yaxye AlmisAmarka Hakinta ah ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku socodsiiyey Taliyaha Laanta Baadhista Danbiyadda C.I.D-da waxaanu Amarka Xayiraada ahi u qornaa sidan:-

Ku Taliyaha Qaybta Baadhista Dembiyadda C.I.D-da

Ujeeddo: Amar Hakin Waaran Qabasho lidi ku ah

1.      Khaddar Cabdi Ismaaciil

2.      C/fataax Nuur Amiin

3.      Siciid Nuur Cige

4.      Sh. Almis Yaxe

Maxkamadda Gobolka Hargeysa iyadoo tixraacaysa waarankeeda hore ee sumadiisu ahayd MGH/196/2013, ee 26/10/2013. Kaasi oo Ujeedadiisu ahayd Amar qabasho Eedaysanayaasha sare ku xusan.

Hadaba Maxkamadu waxay hakisay  Amarka qabashada lidka ku ah Eedaysanaasha sare ku xusan laga bilaabo maanta 28/10/2013. Illaa Amar dambe kasoo baxayo Maxakamaddan Gobolka M-jeex Hargeysa.

Talaabada hore ee Waaranka loogu jaray ayaa ka dhashay Codsi xukuumaddu kaga dalbatay Maxkamadda Xadhiga kooxdan oo ay ka daba socoto baasaaboorka Somaliya kaasoo ay hore Maxakamaddu wax danbi ah ugu weyday Kooxdan isla markaana Go’aan rasmi ah oo ay ku burinayso Eedaha ay Xukuumaddu usoo jeedisay ka soo saartay.

Muddo ku dhaw hal bil ayay ahayd markii ay Xukuumaddu xabsiga dhigtay shan qof oo ka shaqaynaysay Xafiis ay kooxdani leedahay illaa hadana ma jirto Eed rasmi ah oo ay Xukuumaddu usoo jeedisay, marka laga tago kolba muddo korodhsiimo ay u dalbanayso mooyee.

Taliyaha C.I-D-da iyo Taliyaha Booliiska ayaa hore baarlamaanka hortooda uga cadeeyey in aanay haynin sharci ay u cuskadaan xafiiska dadka laga soo xidh xidhay hadana mar kasta oo uu yimaado hadal dhinaca baasaaboorka ah oo lagu dhaliilayo Nidaamaka xukuumadda waxa ay falal noocan oo kale ah kula kacdaa kooxdana qaarkoodna u xidhan yihiin, qaarkoodna ay kolba Waaran u dalbanayaan.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku jahawareertay xalka baasaaboorka Somaliya oo badi masuuliyiinteedu ay isticmaalaan taasoo ay ku kalifeen dano kala duwan, waxaanay garawsan la’dahay khasaaraha iyo faa’iidada u bulshadeeda u leeyahay.

Xujaajtii sanadkan soo noqday waxa ay dhamaantood ku safreen baasaaboor Somaliga hase yeeshee markii ay madaarka soo gaadheen ayay ka ururisay, wallow ay qaarkood dib ugu celisay hadana wali waxay ku dhegsan tahay kuwo laga bixiyey Xafiis Hargeysa ku yaala.

Sidoo kale, waxa khilaaf weyni ka dhex taagan yahay Somaliland iyo Safaaradda Itoobiya oo fiisaynaysa Baasaaboor Somaliga wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland mamnuucday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed