|

Somaliland iyo SSC-Khatumo oo qarka u saaran dagaal

Oog October 28, 2023 (QJ)-Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool gaar ahaan degmada Oog ayaa sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemayo.

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisada u dhaxaysa ciidamada Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee SSC oo isku haysta dhul ka tirsan gobolka Sool.
Ciidamada Somaliland ayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal ku soo daadiyay gobolka Sool, iyadoo sidoo kale kooxda SSC Khaatumo ay keeneen ciidamadooda gobolka Sool.
Dadka deegaanka ayaa si weyn uga walaacsan dagaal mar kale ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ee gobolkaasi.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan Somaliland ay sii xoojisay mawqifkeeda ka dib markii ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya u muujisay taageerada ay u hayso SSC Khaatumo, talaabadaas oo ay Somaliland ka soo horjeesatay, iyadoo ka cabsi qabta in wax laga bedelo xuduudaha gobolka Sool.

Comments are closed