Tehran April 10,2012(SDN)-Hawlgal ayaa qaadeen ciidamada badda ee dalka Iiran ayaa waxa ay ku soo furteen Markab dalkooda laga leeyahay oo Burcad badeed Soomaaliyeed afduub ku heysatay mudo.
Hawlgalkan ayaa waxa lagu soo furtay 21 ka mid ahaa shaqaalihii Markabka ,halka labo kalena ay ku dhinteen hawlgalka.
Hawlgaka ciidamada Iiran ayaa waxa lagu soo qabqabtay 11 Burcad badeed Soomaali ah oo Heystay marakabaka Mv Englintine.
Burcada Soomaalida ayaa kolkii ay ka warheleen hawlgalka ayay isku dadbeen shaqaalihii Markabka la socday.
Lama shaacin goobta uu Markabku kaga sugnaa xeebaha Soomaalida balse waxa la sheegay in shaqaalaha dhintay ay shirkada leh Markabku ay bixin doonto magdhawgooda.
SDN-Tehran
