Nairobi May 13,2012(SDN)-Ciidamada Amaanka ee dalka Kiinya ayaa shaaciyay baadi goob ay ugu jiraan muwaadin Jarmal ah oo dalkooda u jooga hawlo argegixiso.
Afhyeen u hadlay Booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa qoraal uu soo saaray ku xusay Axmed Khalid Mueller in loo baadi goobayo xidhiidh uu la leeyahay kooxda Al Shabaab.
Mueller ayaa la sheegay in uu hubeysan yahay uuna sheegto magaca Andreas Martin Mueller iyo Abu Nusaibah.
Afhayeenku waxa kale oo uu intaa ku daray in uu dalka Kiinya ruuxaasi ku joogo sifo sharci daro ah.
Ciidamada dalka Kiinya ayaa dagaal sanadkii hore uga guddbay xadka Soomaaliya,sida ay sheegteen ka dib kolkii Shabaabku khalkhal gelyeen amniga dalkooda.
SDN-Nairobi
