|

Ciidamada Puntland Oo Magaalada Gaalkacyo Ku Xidh Xidhay Kooxo Caadaystay in Bisha Ramadaan aanay Soomin SAWIRO

Gaalkacyo 30. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Puntland (PSF) ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo waxay ku soo qabteen 15 nin oo ka tirsan kooxaha ma soomayaasha ah.

Kooxahan ayaa la soo qabtay sameysanaya raashiin, isla markaana isticmaalaha waxyaabaha maanka dooriya shiishada iyo Xashiishka.

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa sheegay in howlgalkan si gaar ah looga Fuliyay xaafadaha magaalada iyadoo diirada la saarayo ma soomayaasha iyo dadka cuntada kariya xiliga soonka.

Maxamud Yaasiin Tumey ayaa intaa ku daray iney sii wadi doonaan howlgalada lagu ugaarsanayo kooxaha ma soomayaasha ah ee xumaanta kula dhex jira bulshada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Comments are closed