|

Ciidamada Somaliland ee degmeda Dhahar oo markii u horeysay Musharadooda ku qaatay SL Shiling

Dhahar April 16,2012(SDN)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Degmada Dhahar ayaa dareen farxad leh ku qaabilay in markii u horaysay ay Mushahaarkooda ku qaateen Lacagta Shilling Somaliland .

Taliyaha amniga ee degmada Dhahar Abshir Muuse Yuusuf oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wakaalada Wararka ee Solna ayaa sheegay in Ciidamada qaranka ee ku sugan deegaanka degmada Dhahar ay si weyn ugu farxeen in lacagta somaliland ay markii u horaysay ku qaataan Mushaharkooda Maanta, Waxa uu taliyuhu intaas ku daray in markii hore ay dhibaato kala kulmi jireen lacagta Shilling Somalia oo Ciidamada Mushaharkooda loogu keeni jiray taas oo hoos u dhigi jirtay ayuu yidhi haybada qaranimo .

Taliyaha Amniga ee degmada Dhahar waxa uu intaas ku daray in Ciidamadu ay diyaar u yihiin wax kastoo lidi ku ah qaranimada Somaliland.

SDN-Dhahar

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed