|

Madaxwayne Ahmed Silaanyoow codka Shacabka ha ku waayin wuxuu shalay daahir Riyaale ku wayay

Shalay Daahir Rayaale waxa uu Codka Shacabka kuwaayey, waxa ugu waaweynaa Sharcigii ( Distoorka) aynu dhiganay oo uu ixtiraami waayey, Musuq-maasuq dalka ku baahaay, Shaqaale Dawladeed oo dayacmay , Kaabayaashii Dhaqaalaha oo gabi ahaanba baa’bay, Cadaaladii oo faraha ka baxday, Beeshii Caalamka oo aynu go’doon ka galnay, Xataa Dhismihii ugu muhiimsanaa Dalka oo ah Madaxtooyada oo KHARAABAD isku bedeshey.

Haddii aynu soo qaadano oo kaliya Dastoorka qodobkiisa 46 farqadiisa 4aad waxa uu odhanayaa Madaxweynuhu waa in uu Sanad walba marka uu dhamaado hortagaa Labada Gole Baarlamaan ee Qaranka si uu uga warbixiyo ; Siyaasadda, Barnaamijyada Dawladda, Dhaqaalaha, Xaaladda Lacageed & Xaaladda nabadgalyada. Haddaba , waxaynu ogayn 9 Sanno oo uu Daahir Rayaale hayey hogaanka Dalka waxaa uu Qodobkaa Dastuuriga ah fuliyey (1)hal mar waxaana uu jabiyey( 8 )Sideed jeer.

Bal u fiirso akhriste, Madaxweynaha hadda Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan labadii Sanno u dhamaan waxa uu horyimid Labada Gole Baarlamaan (2) Laba Jeer isaga oo qadarin iyo ixtiraam u haya Sharciga Ummadu ay dhigatay.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaa labada gole, shacabka iyo saxaafadaba ugu soo bandhigay buug ay ku duugan yihiin Waxqabadkii Sanadkii 2011 oo ah arimahaa sare aynu kusoo xusnay , islamarkaana Ka turjumaya Buugii Balan-qaadkii Xisbiga Kulmiye mudadii lagu guda jiray ololaha doorashadii madaxtooyada.Hadaba  manta waxaa soo baxaya in dastuurkii dalka la ixtiraamilayahay in musuqmaasuqu batay in tacadi iyo cago juglayn loo geysanaayo dadka maatida ah.

Kolay eedaas ciday raacayso Madaxweyne waa adiga waxaan u soo jeedinayaa madaxda dalka madaxwaynaha labada guule qaran wasiirada in xaquuqda dalka la ilaaliyo oo shalay markaad ololaha ku jirteen reer kulmiyoow wixii aad umada iyo shacabka guddo iyo dabadba aad u balanqadeen aad fulisaan imika waxay u eegtahay in shacabkii taaganyahay.

Mar I dege alla hadago labagoor idagese anaa is dagay .runtii waxaa wax laga naxo ah in dawladii iyo xisbigii kulmiye ay isku mashquleen uun  ayna warba u hayn umadii kale maxaa ooman iyo maxaa fulay .Waxynu manta ku jirnaa marxalado coladeed oo cadawga Somaliland guddo iyo dabadba uu u tashanaayo sidii uu ukala daadinlahaa nabadgalyadaas aan haysano intaynu inagu isku mashquulsanahay iyaguna intaas way inagu soo maqanyihiin uun hadaba waxaan usoo jeedinayaa .Asxaabta Mucaaridka ee sharciyeysan iyo kuwa hada ololaha ku jiraba iyo shacabka Somaliland.

Maanta waa maalin Qaran , waa maalin Midnimo , waa maalin weerarka cadawga shisheeye inagu soo qaaday loo baahan yahay inaynu u midowno,Oo aynu  iska dayno silaanyaa sidaa yidhi iyo wasiirbaa wax walaaqay markasta oo aynu wax ka sheegayno dawladeena cadawga Somaliland waynagu faraxsanyihiin waxaan aad ula yabaa dad reer Somaliland ah oo dad cadaw ku ah  Somaliland  dalkooda iyo madaxdoodaba ku hor cayaya iyaguna ay usacabo tumayaan.

Hadii ay dawladeenu meel ku khaldantahay ama wax si ka noqdaan waa inaynu saxnaa oo aynu toosinaa ogsoonawna in dawladu ay shacabka tahay . lakiinse hadaynu kadaba shibira waaqlayno dee wax hagaagaya majiraan shalayna waxaa dalka xukumayey daahir riyaale maantana waxaa xukumaya ahmed silaanyo berina kii ilahay keeno haynu aminsanaano in xilku wareegto yahay oo aynu qabiilka ina waalay iyo fikirka qaldan ka guurno .  Shacabkana waxaan odhan lahaa, maanta Midnimo ayaa loo baahan yahay, Wadajir iyo in Cadawga Shisheeye , ee soo adeegsaday wax-magaratada daabkeenu uu kujiro in aynu si wada jir ah uga hortagno inaga oo isla garabtaagayna HIIL IYO HOO Xukuumadeena aynu u igmanay illaalinta qaranimada dalka aynu aamino  waxaan idinkaga tagayaa reer  Somaliland gacmo wadajirbay wax ku qaban karaan.
Alla mahadleh

By: gudoomiyaha dhalinayarada Somaliland Ottawa, Canada
Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case)

Comments are closed