|

Ciidamda Hindiya oo soo furtay laheysteyaal

Muqdisho January 29, 2024 (QJ) -Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya oo la yiraahdo INS Sumitra ayaa ku guuleystay in ay qabtaan kooxo burcad badeed ah oo afduub u heystay markab kalluumeysi oo ku sugnaa xeebaha Soomaaliya.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, 17-shaqaale ah oo la socday doon laga leeyahay dalka Iran ayaa laga soo furtay burcadbadeedda.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in burcadbadeedda la qabtay, iyagoo ka hortagayay inay waxyeello soo gaarta shaqaalaha markabka.

Sidoo kale, ciidamada badda Hindiya ayaa xusay in maraakiibtooda ay ku sugan yihiin badweynta Hindiya si ay ula dagaalamaan burcadbadeedda, ayna u sugaan ammaanka dhaq-dhaqaaqa badda.

Dhacdadan ayaa noqonaysa hawl gal kale oo ay ciidamada badda Hindiya ku fashiliyeen falal burcad badeednimo ah oo ay burcad badeedu ka wadeen xeebaha Soomaaliya. 5-tii Janaayo, INS Chennai waxaa u suurtagashay in ay badbaadiyaan shaqaalihii la socday markab marayay xeebaha Soomaaliya, waxayna soo badbaadiyeen dhammaan 15 Hindi ah oo la socday markab la afduubtay.

Comments are closed