Dimishiq Mar 22,2012(SDN)-
Mucaaridka Suuriya ayaa sheegay ciidamada dawladu inay weerar ku qaadeen laba xaafadood oo ku yaala magaalada xarunta ah ee Dimishiq .
Wararka ka soo baxaya dhinaca Mucaaridku waxay intaasi ku dareen ciidamada u daacada ah madaxweyne Asad in ay hubka culus ee ka dhaca Taangiyada ay ku duqeeyeen degmooyinka Xarasta iyo Arbiin ee magaalada Dimishiq maanta , ka dib markii uu dib u soo cusboonaaday weerarada ay ciidamada kacdoonka wada ee Suuriya ay ku qaadeen deegaankaas , waxaanay ciidamada xorta ahi ay ka goosteen kuwa Madaxweyne Bashaar Asad .
Geesta kale , xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Kii Moon oo haatan socdaal ku maraya wadanka Indoonsiya ayaa sheegay in Suuriya ay haatan soo wajahayso xiisad khatar ah , taas oo laga yaabo ayuu yidhi in ay saamayn xun oo halis ah inay ku yeelato gobolka iyo caalamkaba.
Mr. Baan Kii Moon waxa uu intaasi ku daray , in ergayga Qaramada Midoobay iyo jaamacada carabta ee Suuriya Mr. koofi Anan in uu dib ugu laabanayo wadanka Suuriya si dhakhso ah.
SDN-Dimishiq
