|

Ciidan beeledka Galbeedka Burco oo ku gacan seyray xabadjoojin la shaaciyay

Hargeysa May 18, 2023 (QJ) – Guddida beesha Garxajis ee uu hogaamiyo Suldaan Cadegude ayaa heshiis aan loo dhameyn la gashay beesha madaxtooyada Somaliland.

Heshiiska la shaaciyay oo xabad joojin uun ah ayaa imanaya maalmo uun ka dib kolkii madaxdhaqameedka Galbeedka Burco ku gacan seyreen baaq nabadeed ka soo yeeray Muuse Biixi oo xiligaa Burco joogay.

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ciidanka Galbeedka Burco oo ku sugan goobihii dagaaladu dhawaantaa saameeyeen ayaa noo xaqiijiyay in aanu heshiiskaasi waxba ka jirin hubkana aaney dhigi doonin.

Beesha Galbeedka Burco oo sheegtay in Muuse Biixi la saftay reerkiisa ayaa haatan ku kala qeybsan goaamo maanta laga akhriyay Burco.

Ciidan beeleedka Galbeedka Burco ayaa wacad hore ugu maray in ilaa degaanadooda ay ka saaraan beesha soo duushay ee Muuse Biixi in aaney xabada joojineyn.

Dad ka agdhow odeyaasha Garxajis ee nabada qaatay ayaa la sheegay in tilaabada ay qaadeen ay tahay mid uu dabada ka riixayay xisbiga Wadani, oo isku qanciyay in doorasho ay xilka kula wareegayaan dalka ka dhaceyso.

Balse bulshada careysan ayaa hada garowsatay seexinta iyo hoosaasinta Wadani, waana sababta aan weli loogu tegin ciidan beeldeedka hubeysan ee ku sugan goobaha dagaalka.

 

Comments are closed