|

Muusse Biixi oo owejigabax kala noqday burco iyo sababta

Hargeysa May 17, 2023 (QJ) – Madaxweunaha mudo dhaafka xilka ku fadhuya ee Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay isga soo huleelay magaalada Burco oo uu maalin qudha u tegay deminta colaada gobolkaa ka aloosan.

Laba beelood oo maalmihii ina dhaafay ku dagaalamayay duleedka Burco oo midi tahay ta madaxweynuhu ka soo jeedo ayaa la aaminsan yahay in ay gacan ka heleyso madaxtooyada.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in beesha Galbeedka Burco in ay ku gacan seyrtay la kulanka iyo la hadalkiisa, ka dib kolkii ay fahmeen qorshiisa hoosaasinta ah ee uu halkaa u tagay.

Madaxdhaqameedka Galbeedka Buco ayaa u sheegay in Muuse Biiixi beeshiisa kala baxo degaanadooda ama uu si badheedh ah ugu taageero gardarada.

Sidoo kale madaxdhaqameedka ayaa Muuse Biixi ku wargeliyay in wixii dhaqan ah uu kala hadlo guddida dhabta ah ee beesha oo saldhigooodu yahay Hargeysa.

Muuse oo caro iyo calaacal ku cataawaya ayaa la sheegay in uu isla xalayba ka soo guureeyay Burco oo uu Hargeys xili danbe soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee colaada duleedka Burco ayaa noqon karta tii soo afmeeri laheyd xukuumada Somaliland ee galbeedka Hargeysa uun haatn ka shaqeysa.

Comments are closed