Uncategorized

Ciidanka Booliska iyo Dadweynaha ka Ganacsada Suuqa Jaamac Gunti ee Hargaysa oo Saaka Isku dhacay iyo Mudaharaad Hada Socda

Hargaysa 16.Jan 2014 (SDN)- Booliiska ayaa saaka ku waaberiistay Suuqa Jaamac Gunti ee Xaafadda Xero Awr ee magaaladda Hargeysa, waxaana dhex maray iska hor imaad ay Booliisku u adeegsadeen Rasaas isla markaana waxa ay cagta mariyeen Meherado Suuqaas dib looga yagleelay, kadib markii dhawaan laga raray dadka Suuqaas ku ganacsan jiray.

4-150x150Booliiska oo adeegsanaya Caga cagafyada Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa bilaabay in ay dadka ku soo noqday Suuqaasi ka raraan hase yeeshee dadweynaha ayaa ka hor yimi waxaana la isweydaarsaday Rasaas iyo Shiid taasoo sababtay in xaaladda xaafadda Xero awr saaka illaa imika ka dhacaan rabshado joogto ah oo ay iska hor imanayaan Booliiska iyo Dadweynuhu.

Wax khasaare ag oo illaa hadda ka dhacay ma jiraan laakiin jidka idaacadda iyo Maansoor isku xidha ayaa cidhiidhi galay kadib markii Taayiro lagu gubay jidkaasi oo markiisa horeba mashquul ahaan jiray.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com