|

Cirro oo Addis kula kulmay madaxda ammaanka Itoobiya iyo Muuse Biixi oo loo yeedhay

Hargeysa. 30 July, 2022 (QJ)- Murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isaga oo kulamo la leh madaxda ammaanka ee dalka Itoobiya.

Qurbejoog ayaa heshay xogta safarka Cirro iyadoo martiqaad rasmi ah uu ku tagay lana kulmay madaxda ammaanka ugu saraysa. Arimaha ay ka wada hadlayaan waxa ka mid ah xaaladda cakiran ee siyaaadadda Somalilad, xiisadaha gobolka ka taagan oo samaynaya Somaliland iyo Itoobiya iyo dagaalka alShabaab xili Somaliland ay xad dheer la wadaagto Itoobiya isla markaana ay Addis ka cabsi qabto khatarta alShabaab hadii Somaliland laga heshiin waayo muranada jira.

Dhanka kale, Itoobiya waxay marti qaad usoo dirtay Muuse Biixi iyadoo la filayo in uu dhawaan madaxweynuhu u duulo dhanka Addis Ababa. Xaaladaha doorashooyinka iyo muranka jira ayay madaxda Itoobiya ka wada hadli doonaan.

Cirro, wuxuu Hargeysa kusoo laabanayaa maanta oo Sabti ah sida qorshuhu yahay ama ugu danbayn maalinta Axadda ee berri.

Itoobiya ayaa aad u danaynaysa in ay door ka qaadato sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka adag ee ka taagan Somaliland, kaas oo 30 sanno kadib laga cabsi qabo in deganaansho la’aan uu horseedo iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Comments are closed