|

Wasiirka Soogalootiga ee Norway Oo Ugu Baaqday Muslimiinta Norway In Ay Cunaan Qaansiirka, Khamrigana Cabbaan

Oslo 24.October 2016 (SDN/QJ):-  Qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga wasiiradda soogalootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalka Norway Sylvi Listhaug ayaa waxaa uu dhaliyay hadalhayn caalamka ah kaddib markii ay ugu baaqday dadka soo galootiga ah, gaar ahaan muslimiinta in ay cunaan qaansiirka, khamrigana cabaan.

 

sylvi-listhaugWasiiraddan oo ah tan ugu afka dheer dowladda wadaagga ah ee ka arrimisa dalka Norway ayaa waxaa ay kasoo jeeda xisbiga xagjirka ah ee Fremskrittspartiet.

 

Qoraalka ay soo dhigtay facebook-ga ayaa u qornaa sida tan, “Waxaan ula jedaa, kuwa soo galootiga ah ee Norway imaana in ay la jaanqaadaan bulshadeena. Halkaan waxaan ku cunnaa Qaansiirka, khamrigana waan cabnaa, wajiyadeenana ma dadno. Waa in aad qaadataan dhaqamada, sharciga iyo xeerka u yaalla Norway. mar hadaad imaaneysaan halkan.”

 

Hadalkan ayaa waxaa looqaatay mid ay wasiiraddan ku weerareyso muslimiinta, waxaana ay kala kulantay dhaleeceyn iyo amaan intaba.

 

Ma aha markii ugu horreysay ee ay wasiiraddan weerarto muslimiinta, balse waa markii ugu horreysay oo hadalkeeda heer caalam gaadhay.

Comments are closed