Hargaysa 05.May (SDN) Ciyaar lagu Xusayay Sannad Guuradii 11aad ee Ka Soo Wareegtay Geeridii Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa lagu qabtay Garoonka Hargaysa Stadium.
Koobkan oo ay soo qaban qaabisay Ururka Odxa ayaa waxaa ku wada ciyaarayay labada Gobol ee Maroodi jeex iyo Saaxil waxaana ka soo qayb galay daawashada Ciyaartan Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Maayarka Caasimada Hargaysa,Gudoomiyaha Ururka Odxa, Xildhibaano, iyo dadweyne tiro badan.
Ciyaartan oo ahayd Mid Xiiso badan isla markaana raali galisay dadweynihii daawanayay ayay guushu ku raacday Xulkii ka socday Gobolka Saaxil oo ku badiyay Gool ku laad amase Rikoodhayaal 8 gool iyo 7 Gool ku dhamaaday ,kadib markii ay isla dhaafi waayeen barbar dhac gool la’aan ah.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal oo ka hadlayay gaba gabadii ciyaarta ayaa sheegay inay tahay markii u horaysay ee labadan Gobol ay isaga Hor yimaadaan Ciyaar Kubada cagta ah.
Maayarka Caasimada Hargaysa Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Soltelco ayaa dhiniciisa sheegay in Ciyaaruhu ay ka mid yihiin waxyaabaha keena is dhexgalka bulshada waxaanu hambalyo u diray Xulka Gobolka Saaxil ee guushu raacday.
Gudoomiyaha Ururka Odxa Marwo Faaduma Siciid Ibraahin ayaa ku tilmaantay sababta ay labadan gobol u doorteen inay la xidhiidho in Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil aanay Marnaba isaga hor iman Ciyaar kubada cagta ah,iyadoo intaas ku dartay in koobkan ay ku maamuuseen Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal.
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com
