Dimishiq May 06,2013(SDN)-Dawlada dalka Syria ayaa duqeymo shalay ay u geysteen dalkooda ciidamada dalka Israel waxa ay ku tilmaameen iclaamin colaad.
Israel ayaa duqeysay duleedka caasimada Dimishiq markii labaad sadexdii maalmood ee u danbeeyay.
Goobtan shalay la duqeeyay ayay dawlada Syria ku sheegtay in lala beegsaday xarun baarimeed oo ku taal duleedka caasimaada.
Weerarkan u danbeeyay ayaa gobolka laga dhaleeceeyay iyada oo loo arkayo faro gelin shisheeye oo lagu sameeyay dalka dagaalka sokeeye uu ka socdo ee Syria.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Syria Faisal al Mekdad oo saxaafada la hadlay ayaa Israel ku eedeeyay in ay gacan siineyso waxa uu ugu yeeray argegixisada.
“Marka ay na weeraraan waxa ay ka dhigaan tahay in colaad ay iclaamiyeen,mana aha markii u horeysay ee na weeraraan ee hore ayay tan oo kale noo soo martay,jaawaabaha aynu ka bixino weerarada Israelna waa qaar ay xanuun faro badan kala kulmaan”ayuu yiri Faisal al Mekdad.
Dawlada Israel ayaan ilaa iyo haatan ka hadal duqeynta lagu eedeeyay in ciidamadoodu ka geysteen dalka Syria.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com
