|

Cod-bixintii Ingiriisku Kaga Baxay Midowga Yurub Oo Khasaare Laxaadle Gaadhsiisay Bilyanneerrada Caalamka

London, 28 June, 2016-(SDN/QJ) :– Codbixintii Britain ay Midawga Yurub Kaga Madax Banaanaatay oo Sababay in 400 Qof oo Ka Mid ah Tujaarta Dunidu Khasaaraan Lacag Gaadhaysa $127 Bilyan.

ka Bixistii Uk ee Midowga YurubCod bixintii Ingiriisku kaga baxay is bahaysiga midawga yurub ayaa waxa uu sababay khasaare ay dhaqaale badan khasaareen tujaarta adduunku.

Cod bixintani waxa ay sababtay in 400 oo qof oo ah dadka dunida ugu taajirsan khasaaraan lacag lagu qiyaasay $USD127.4 billion (Boqol iyo toddoba iyo labaatan dhibic afar Bilyan Dollar), halka tujaarta reer Ingiriis khasaareen lacag ka badan ” $5.5 billion (Shan dhibic shan Bilyan oo Dollar).

Codbixintii reer Britian ku go’aansadeen inay ka baxaan midawga Yurub waxa uu sababay mawjado ku kaca suuqyada caalamka oo dhan, kuwaasi oo heehaabkeedu sababay sabayn dhaqaale.

Codayntani waxa ay keentay hoos u dhicii dhaqaale ee ugu hooseeyey ee ku dhaca midawga yru tan iyo 2008-dii, sidoo kale lacagta Ingiriiska oo loo yaqaano Pound ayaa Iyana hoos  u dhac ku yimid, iyada oo heerka ay gaadhay noqotay ilaa sodon sano heer aanay hoos ugu dhicin.

brexitKhasaaraha u badan ee ku yimid Bilyaneerada reer Yurub waxa uu si aad ah ugu dhacay ninka lagu magacaabo Amancio Ortega oo ah ninka ugu taajirsan Yurub, isaga oo khasaaray lacag ku dhaw  $6 billion (Lix bilyan oo Dollar), maalqabeeno kale oo ka mid ah kuwa aduunka ugu taajirsan ayaa khasaare balaadhan ku yimid, waxaana ka mid ninka aduunka ugu taajirsan ee Bill Gates iyo ninka leh shirkada Amazon ee suqa online-ka ah leh Jeff Bezos, kuwaasi oo mid kastaaba khasaaray $1 billion (Hal bilyan oo Dollar).

Halka ninka dalka Britian ugu taajirsan ee lagu magacaabo Gerald Cavendish Grosvenor la xaqiijiyey inuu khasaaray in ka badan hal bilyan oo dollar, iyada oo marka la isku qaado 15 qof ee ugu taajirsan dalka Britian ay khasaareen 5.5 billion (Shan dhibic shan bilyan oo dollar).

ukAas aasaha suuqa Hargreaves Lansdown oo lagu magacaabo Peter Hargreaves, waxa uu khasaaray inta badan, waxaanu taajirkani ahaa dadka sida weyn u maalgalineyey inay Britian ka baxdo Yurub, isaga oo ku bixiyey £3.2 million (Sadex dhibic laba Milyan oo Bown), sida tilmaameen komishanka doorashooyinka UK.

“Waayo aragnimo Ayaan u leeyahay ganacsiga, wada hadalka, dhaqaalaha, waxaanan ka mid ahay ganacsadayaasha ugu guulaha badan dalka, hadaanay I ogayn looma baahna” ayuu ku dooday ganacsade Hargreaves.

Richard Branson oo ku doodayey in Britain ka sii mid ahaato Yurub, waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaya arinta cod bixinta “Sanadaha iyo bila soo socda waynu tijaabin doona”.

Dadka reer Britain ayaa maalintii Khamiistii u codeeyey inay ka madax banaanaadan Yurub, taasi oo doodo iyo aragtiyo badan dunida ka dhalisay.

Comments are closed