|

Maamulka Degmada Burco oo Hirgalinaya Xarun lagu Daryeelo Caruurta Derbi Jiifka ah

Burco 28.June 2016 (SDN/QJ):- Maayarka degmadda Burco ee gobolka Togdheer Mr. Maxamed Yuusuf Muraad oo ay weheliyeen xoghayaha dawladda Hoose iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Burco oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa dhagax dhigay dhisme ay ugu tallo galeen darbi-jiifka magaaladaasi. Dhulka laga dhisayo  Dhismahan cusub waxa bixisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco.

burco iyo MaamulkeedaMaayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo ka hadlay dhulkan ay dhagax dhigeen, waxa uu yidhi “Halkani waa xaafadii cusbayd ee Yurub Village la odhan jiray. Waxaanu halkan ku dhagax dhignay xarun loogu tallo galay in lagu daryeello darbi-jiifka magaaladda Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer.”

“Dhulkan aanu ka dhisayno xaruntani waa mid ay bixisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco. Carruurtan waxa ilaalintooda xilligan gacanta ku haya oo aan ku ammaanayaa Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, cid kasta oo reer Somaliland ah oo maqlayaana gacan ayay ka geysan karaan,”ayuu yidhi Maayarka Burco.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka midah  Golaha deegaanka degmadda Burco isla markaana gacanta ku haya daryeelka caruurta darbi jiifka ah ayaa dawladda hoose  iyo cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa dhismahan uga mahad naqay doorka ay ka qaadanayaan dhammaystirka xaruntan oo uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo.

“Imika xaruntan aanu ku hayno carruurtan daryeelka gaarka ah u baahani wuu ku yar yahay, maadaama oo ay soo bateen carruurta xabagleyaasha ah oo aanu doonayno inaanu ka ururino magaaladda oo aanu xaruntan naloo dhisayo ku daryeello waxna lagu baro,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Mr. Bidhi Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Qurbo jooga iyo dadka wax haysta ee reer Somaliland ahba waxaanu ka dalbanaynaa inay xaruntan qaadhaankooda ku soo darsadaan oo wixii ay sadaqad ula baxayaan ugu tabo-rucaan.”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Magaaladda Burco Cismaan Sh. Cismaan Nuur iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha deegaanka Burco, waxaanay dhammaanteed ka warrameen ahmiyadda ay xaruntani ugu fadhido degmadda Burco iyo gobolka Togdheer-ba.

Comments are closed