Uncategorized

Cod-bixiyeyaasha Faransiiska oo doortay Madaxweyne cusub, xilli ay xaalado adag ku jiraan

PARIS 06, May 2012 (Qurbejoog.com)- Dadka Faransiiska, ayaa Axaddii maanta u codeeyay wareega u dambeeyay ee doorashada Madaxtinimada, taasoo muujisay in murashaxa nidaamka Hanti-wadaaga aaminsan ee Francois Hollande uu tartanka ku jabiyay Madaxweynaha xilka haya Mr. Nicolas Sarkozy.

Mr. Hollande oo 57 jir ahi, waxa uu xilli hore oo Axaddii maanta ah codkiisa ka dhiibtay goob-doorashadiisa magaalada Tulle oo ku taala badhtamaha dalka Faransiiska oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Siday sheegtay Associated Press, natiijada doorashadani waxay saamayn doontaa dedaalka la xidhiidha la-dagaalanka Yurub ee mushkiladaha dhaqaale ee xilligan ka taagan, inta askarta Faransiisku joogayso Afgaanistaan iyo dhaqdhaqaaqyada dalkaas ee Milateri ahaan iyo siyaasad ahaanba ee la xidhiidha caalamka.

Xilli fiidnimadii caawa ah, waxa Mr. Hollande la waydiiyay wax aka jira wararka aan la xaqiijin ee sheegaya inuu hoggaaminayo cod-bixinta, wuxuuna suxufiyiin kooban uga jawaabay wararkaa soo baxay. “Haa, laakiin waa qiyaaso uun. Hadda uun bay bilaabeen (hawlwadeenada doorashadu) xidhitaanka sanaadiiqda cod-bixinta,” ayuu yidhi.

Hase yeeshee, masuuliyiinta doorashada ee Faransiisku ma xaqiijin natiijooyinka hordhaca ah oo ay faafiyeen Telefishanka dalka Bulgaria iyo Telefishan iyo idaacad laga leeyahay dalka Switzerland.

Sida la sheegay, qayb ahaan natiijooyinka rasmiga ah, waxa la rejaynayaa inay soo baxaan marka ay caawa saacadu tahay 1800 GMT ama 2:00 habeenimo, ka dib marka guud ahaan goobaha codbixinta ee guud ahaan dalka Faransiiska la soo xidho.

Mr. Francois Kafton oo ah ninka dhanka ololaha u qaabilsan Mr. Hollande, waxa uu rejo ka muujiyay in xisbigiisu guul ka gaadhay doorashada. “Waxa jira sababo caqligal ah oo ah in Madaxweyne cusubi iman doono, doorashada caawa ka dib,” ayuu yidhi Mr. Kafton. Wuxuuna tilmaamay in qancistiisa arrintaas ku saabsani ku salaysan tahay afti la qaaday maalinta cod-bixinta ka hor.

Waxa jira cod-bixiyeyaal tiro badan oo muujiyay siday uga soo horjeedaan Madaxweyne Nicolas Sarkozy oo ay ku dhaliileen xaalado badan oo haatan dalkaas ka taagan.

Axadda maanta, 6 dal oo ka tirsan 27 wadan ee qaaradda Yurub, waxay qabsanayaan doorashooyin heerarkoodu kala duwan yahay oo dawladeed.

Qurbejoog.com, Paris