|

Congreska oo ka horyimi in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya

Washington April 28, 2023 (QJ) – Congress-ka Mareykanka ayaa diiday qaraar ku baaqayay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya dhamaadka sanadkan. 321 xubnood oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa diiday qaraarka lagu taageerayo ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, halka 101 xubnood ay u codeeyeen.

Qaraarkan oo ujeedkiisu ahaa in ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah laga saaro Soomaaliya ayaa waxaa horgeeyay xildhibaan Matt Gaetz oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kana soo jeeda Florida.

Si kastaba ha ahaatee, dadka ka soo horjeeda qaraarka ayaa ku dooday in tallaabadan ay halis gelineyso danaha ammaanka ee Mareykanka ee gobolka.

Madaxweyne Biden ayaa amar ku bixiyay in ciidamo Mareykan ah loo diro Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray go’aankii uu qaatay madaxweynihii isaga ka horreeyay Donald Trump ee ahaa in la soo afjaro joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.

Comments are closed