|

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka) Qaybihii 12aad iyo 13aad

 

Abwaan_Cali_Sugulle_Cigaal“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 12aad

 

Hargeysa, 27/1/2016ka,

 

Shiinleeydii Cali Sugulle

Shib yidhoow abwaannada debnuu, uma shakaalmaan,

Shakiguna Hadraawoow ma galo, shaacir caan-baxay,

Waa shoolad oloshoo murtidu, aayahaw shidan,

Shookigiyo xabsigu gabay ma xidho, shebeglahoodii,

Sharad buuxsantaa Gaarriyoow, tiirku shaabahay,

Shar iyo kheyrba keenaa jiree, sheegato-habowga,

Sheydaanku weel fooraruu, shoolligaw tolaye,

Shalli-laahi dhaha taasi waa, shaqo Ilaahaye,

 

Shacdurka delebka iyo rag aan, dheelin shabadaanta,

Oo aan shantarad barannin baad, wada shaxayseene,

Sharafkeedi Gobannimo hadday, habari shaashaysay,

Ha la sheegadii lagu ballamay, waxa shareeraaya,

Kii shiikhinaayoow anigu, shaaciyaan ahaye,

Sheekadan bulshada taabatee, sharaxa doonaysa,

Shedkeediyo medkeedii Cabdaa, Shiin ku daabacaye,

Sheekheedi maansada halkuu, shookadda u saaray,

Anoo shiiday weydiinaha, oo cilinta shiilaaya,

Waa shilisyay gabayguye haddan, shaaxin ku habaynin,

 

Shiilaabo iyo Wajeer kuma hirtaan, aayo talo-sheege,

Shantu in ay is-raacdaan u degay, shoolo-boolida e’,

Shanshadii Jabuutiyo haddaan, shirixi aan weynay,

Shuhra noqotay Soomaali iyo, Xamar shirkeediiye,

 

Sheeladan qarsoodiga ah iyo, nabarkan shuuqaaya,

Shirkeedaan labaatan u dib-jiray, sano shabeelood,

Shuruud-li’I midnimadaan ku galay, dib-u-shallaygeeda,

Shandadaha in aan uga tagoo, shayna laga qaadan,

In aynu shaashka kala qaybsanniyo, gobo’da shaalkeenna,

Shaki-li’I mid labadaa ayay, gar Alle kuu sheegtay,

 

 

 

Shirqoolkeedi garay Faarax Nuur, sheeko-baraley,

Aniguna shareerkii ka rogay, beentan shaadirane,

Shaqo qaran in uu gabaygu yahay, dani run kuu sheegtay,

 

Sharkeediyo qabiilaba dhacay, shalay lahaayeene,

Iyadoo shunuufihii lehoo, shagagaxlaynaysa,

Tallaabada sidii shalakho iyo, shaanbiyay tidhi,

Shadaabka iyo xildiiddiina way, ugu shanleeyeen,

Shunufka iyo qudhuunkeedi baa, shaamo-reer dhigaye,

Shiriiryahan siniinee digsiga, shagagaxlaynaaya,

Shaacoodii daah aan xil qarin, baa shishe u diraye,

Shaanshaan in laga weriyay buu, gabaygu kuu sheegay,

 

Shalmadi in ay koore raacday, waa daahir yaa shamis,

Shidhkiyo buudhigana daaqaddii, sheekadaw furan,

Shaxaade iyo xammaal iyo hadduu, kaarigu u shawro,

Shufeerka iyo kirishboyga jaan, laga shanayn waa,

Shixnadda iyo rakaabkaba xisaab, tay shalfadiyaane,

Shaag uma rogmado dabo-ka-fuul, waa shukaan-barad,

Isaga oo sheyna ka aqoonninoo, loo shakamadeeyay,

In uu shalowga gaadhigu ka dhici, anigu kuu sheegay,

 

Sidii shaagle laga baqay ayuun buu, soo shaf weyn yahaye,

Shuqulkii askari faranji qoray, shaadhka haw tolan,

Shawa iyo sidigta Nayroobi baan, kuu shirrabayaa,

Shakaddiyo bunduqa qarannimoow, shiishka kor u taaga,

Shisheeyaha ku fiiq gacalka waa, lagala shaacaaye,

Haddii kale shil weyn baa ka dhici, anigu kuu sheegay,

 

Shilin jooge gini kaaga gade, shan afar laab qaate,

Shuftada suuqa madow naga heshee, shubatay dhiiggeenna,

Shilintiyo gafanahaa ku cunay, waa shaqaalaha,

Ma shukulaha buushaha galleey, budana loo shiiday,

Shuuro iyo moofana codsaday, aan shinnidi beerin,

Shiddadeeda sicir-barar miyaan, lacagtu kuu sheegin,

 

Shoobto iyo Batuulaba xariir, baa ku shaqasheen,

Shanley iyo dhacliyo darayamuus, ay shollaha geyso,

Ayay Shamis u baratee markaad, shiidadka u keentay,

Shuun iyo Kinsiba kaaga dude, shiid-talyaaniga,

In ay kala shuftoobayso buu, gabaygu kuu sheegay,

 

Shuraakaha is-raacaa hantiday, wada shaqaysteen,

Shaarubaha kiiyoon la gelin, hoo la shubanaayo,

 

Sannadihii dul-saarka ahaa ee aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Cali Sugulle wuxu ka tirsanaan jiray Kooxdii Fanka ee SNM ee deggenayd Kaam-abokor. Maansooyinkii uu beryahaa tiriyay waxa ka mid ahayd maanso-halgameed hal beyd oo keliya ka koobnayd, beydkaas oo ahaa:

 

“La-haystaha is-haystuu ku yimid, kelidi haystuhuye,”

 

Si aynu u soo gunaandno taxanahan kooban ee taariikheed-nololeedkii iyo taariikhdii curineed ee Cali Sugulle, bal aynu halkan ku taxno maansooyin baroor-diiq ah oo loo tiriyay geeridaa naxdinta lahayd.

 

Maansooyinkaa baroor-diiqda ah waxa ugu horreeyay mid uu curiyay abwaan Xasan Daahir Ismaaciil oo ah:

Webtii cawke anigoon ka kaban welina dhiillaysan

Anigoon wadnuhu ii garrayn wahabna aan goynin

Caawana ma weer baan xidhnahay cali intaan waayey

Wadaniga abwaankii ahaa waracii suugaanta

Ma-waabtihii gumaystaha necbaa warankii qoomaayey

Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige.

 

Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-aragiiye,

Waxan waayey, wadihii wanqalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wecelkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.

 

Rabbiyoow aadaa waarayoo, wed an ka yaabayne,

Qof ku wacay, ku weecansadoo, kuna wax weydiistay,

Adaan webin oo aan waabinoo, wadhi ku soorayne,

Gacmahaan ku hoos wadhay Rabboow, waad I aragtaaye,

 

Weynoow dunuubtiisa dhaaf, weliyadii raaci,

Waafaji su’aalaha Rabboow, Malaggu weydiiyo,

Ka waraabi Jannadii Fardaws, una dhig weylaalis,

 

Maansadan kale ee baroor-diiqda ahna waxa tiriyay Saleebaan Cali Cabdi, waxaanu yidhi:

 

Jabad wali lamaan degin,
Jidiin maanu wada cunin,
Jidna maanu wada marin,
Jaahiisa maan arag,
Jabaqdiisa maan maqal,
Mid aan jaandi soo tebin,
Misna waa jidhkaygiyo,
Saaxiib aan jeclaayoo,
Geeridu jaxaastoon,
Tacsidiisa joogee,
Jaliilloow jameecada,
Jaarkii Rasuulkiyo, (NNKH)
Asxaabtii Janada tegay,
Kobtay maanta joogaan,
Gelbis jaanta ha u dhigo,
jeexyada rummaankiyo,
Midhaha jaadba jaadka ah,
Haku jala-buteeyoo,
Su’aalaha jidka u yaal,
Jawaabtooda garansii,
Naaraha jidkoodiyo,
yuu ku leexan Jahannaba,
Aamin aamin aamin.

 

Maansadan kale ee baroor-diiqda ahna, waxa tiriyay Maxmed Aw Cali Cartan, Hal-deeq, waxaanu yidhi:

Ifku waa halgaag iyo naxdimo, hurran ninkii noole,
Waa la wada hayaayoo nafluhu, waa hayaan rarane,
Waa la kala horreeyaa ma jiro, ruux ku hadhayaaye,
Hoggaan dhaqan yaqaannaa go’iyo, hamash caleen wayne,
Hal-abuurku tiiraanyo qaad, wuu hiq leeyahaye,
Habeen baa u dumayoo afkii, waa hengelo saare,
Hareertuu ku beegnaa qayood, baa ka haw tidhiye,
Hanad iyo abwaan baa hoydiyo, qaran hal-doorkiiye,
Xaq Ilaahay heddii baa heshiyo, lama-huraantiiye,
Hormuudkeennii way wada hoydeen, badi halyaydiiye,
Hal iyo laba waxaan dhaamin baa, hadhay Batuunoowe,
Mawdku wayna helayaa qabrigu, hubanti weeyaane,
Hadhacii Fardawsiyo Jannaa, hodanku yaallaaye,
Hoobaanta Cali sii Raboow, hoorshay ducadiiye.
Aammiin aammiin.

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)(

()Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara’e
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada’e
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-aragiiye
Waxan waayey, wadihii wanqalay, wowga dirireede
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wecelkiiye
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye
Waxan waayey,lama waarayee, waafi dun-carbeede
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.

Rabbiyoow aadaa waarayoo wed an ka yaabayne

Qof ku wacay, ku w

Comments are closed