|

War Deg Deg ah: Madaxweyne Siilaanyo oo u Kicitimay Goboladda Bari iyo Xuska Aasaaska Ciidanka oo uu kaga qayb galayo Deegaanka Oog DAAWO

Hargaysa, 31 January, 2016-(SDN/QJ) :– Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta u ambaxaxay socdaal gobolada bariga ee dalka.

12592341_646238938848634_7536550194360725478_nSocdaalka Madaxweynaha oo ku saabsan u kuurgelidda xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo ayaa sidoo kale waxa qayb ka noqon doona xog ogaal u noqoshada xaalada mashaariicda kala duwan ee dhanka horumarinta ee Dalka ka socda.

Warar ay Shabakadda Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow dhow Socdaalka Madaxweynaha ayaa Sheegaya inuu Maalinta Salaasadda uu Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar uu kaga  qayb galayo Xuska aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland taas oo noqonaysa Markii kowaad ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu Deegaan ka Baxsan Caasimadda Hargaysa kaga qayb galo Xuska aasaaska Ciidamadda qaranka.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan Xukuumada, xildhibaano ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo saraakiisha sare ee ciidamada.

Wixii Warar ah ee ka soo Kordha Socdaalka Madaxweynaha oo hada ku sugan Magaaladda Berbera Waxaad kala Socon doontaan Shabakadda Qurbejoog.com

Comments are closed