|

Daacish Oo Aqbashay Midnimadii Dhexmartay Ururka Boko-xaraam Ee Galbeedka Afrika Ka Dagaallama

Mousil:Mar,13,2015(SDN/QJ)-Khulafada Islaamiga ah ee Daacish, ayaa Markii ugu horraysay Shaacisay inay Aqbashay Baa’ico dhawaan Dhexmartay iyaga iyo Kooxda  Ka Dagaallanta waqooyiga Afrika ee Boko Xaram.

cisgCajalad maqal ah uu soo diray Afhayeen u hadlay Hogaamiyaha Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in ay kooxdu aqbashay badeeco ay la gashay Hogaamiyaha Khilaafada Islaamka Sheekh Abubakar Al Baqdaadi.

Afhayeenka u hadlay Hogaamiyaha Khilaafada Islaamka (Dacaish)ayaa sheegay in ay soo gaadheen Galbeedka Qaarada AFrika kadib markii kooxda ay beeco la gashay Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Dalka Nageria.

Hogaamiyaha Boko Xaram Abu Bakar Shekau, ayaa fariin uu soo diray maalmo kahor ku sheegay in ay ku biireen Kooxda Daacish , Kooxda Boka Haram ayaana hada wajaheysa dagaalo xoogan ay kala kulmayaan Dowlada Nageria iyo Dowlado kale oo daris a ah Dalkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed