|

Guddoomiyaha Degmada Mandhera Oo Dirqi Kaga Badbaaday Weerar Al-shabaab Kusoo Qaadday Iyo Khasaaraha La Gaadhsiiyey Kolonyo Uu La Socday

Mandhera:Mar,13,2015(SDN/QJ)-Kooxda Al-shabaab, ayaa saaka weerar khasaare dhaliyey ku qaadday Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Mandhera ee Gobolka W/Bari Kenya Cali Roba.

weecWararku waxa ay intaas ku darayaan in Cali Roba ay Koox katirsan Ururka Al-shabaab U Galeen xilli uu kusii jeeday  Deegaanka Ceel-waaq,, waxana Halkaas ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo la Gaadhsiiyey Kolonyadii uu Guddoomiyuhu watay iyo ciddii la socotay.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux ay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo laba ka mid ah ay ahaayeen askar, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo Al-Shabaab gubeen labo gaadhi ay wateen, halka gaadhi kale oo Qaad waday ay kaxeysteen.

Gudoomiyaha deegaanka Mandhera Cali R0ba ayaa u sheegay BBC-da inuu ka bad baaday weerarkaas, oo aanay waxba ka soo gaadhin, isagoo xaqiijiyay laba kolonyadii la socotay la gubay, mid kalena laga qabsaday sida uu sheegay.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay afar askari ku dileen weerarkaasi, ayna kula wareegeen gaadiid dagaal ay la socdeen ciidanka Kenya.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa aheyd halkii sanadkii hore lagu dilay dadkii baska saarnaa ee u badnaa macalimiinta, waxana soo korodhay Cabsi la xidhiidha Hannaanka Shabaabku gudaha ugu soo galeen Dalka Kenya, isla-markaana ay Madaxdaas u weerareen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed