Madaxweyne Cirro oo mushaharka u kordhiyay Ciidamada

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegay in mushaar kordhin loo sameeyo ciidamada xoogga dalka.

Laga bilaabo sanadka 2025, mushaarka ciidamada militariga waxaa la kordhin doonaa 50% sanad walba inta lagu guda jiro xilliga ugu horeeya ee maamulka, iyadoo lagu saleynayo heerka mushaarka ee 2024.

Dhammaan shaqaalaha militariga waxaa lagu diiwaan gelin doonaa nidaamka biometric (IRIS) 30 maalmood gudahood, laga bilaabo Febraayo 1, 2025.

Mushahar kordhintan waxa ay dhaqan gali doontaa ka dib marka la dhameeyo isdiiwaan galinta iyo tirinta madaxa.

Wareegtada ayaa si weyn loogu nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee ciidamada qalabka sida ay ka ciyaaraan sugida amniga, ilaalinta madax banaanida dalka iyo daryeelka muwaadiniinta.

Hadafka ayaa ah in la wanaajiyo daryeelkooda lana casriyeeyo nidaamka maamulka.