Hargeysa July 25,2012(SDN)-Guddoomiyaha Gollaha wakiilada Somaliland Cabdiraxman cabdilahi Cirro ayaa maanta mar uu u waramay HornCable TV waxa uu sheegay in aanu wax lacago ah ka helin Guddoomiyaha Baanka Jabuuti Jaamac Xeyd.
Guddomiyaha Wakiilada ee hadana ah guddoomiyaha ururka Wadani ayaa ka jawaabayay lacago uu Dahabshiil u soo dhigay Jaamaca Xeyd mudo ku beegneyd xili uu muran siyaasadeed ka dhexeeyay guddoomiyaha UCID Fasal Cali Waraabe.
