|

Daawo:- NGO-yada Jooga Soomaaliya iyo Sida Ay Diinta Kiristanka U Faafiyaan

Waxa is weydiin mudan hay’adaha shisheeye ma waxa ay u joogaan Soomaaliya in ay Masaakiinta caawiyaan mise inay diintooda fidiyaan

world vison

Hargeysa (QJ/SDN) – Hay’adaha caalamiga ah ee loo yaqaanno NGO-yada ayaa la sheegayaa in ay Soomaaliya ka wadaan faafinta diinta Kiristanka kuwaasi oo qofka ka doona shaqo ku xidha in uu haysto diinta Kiristaanka, taasi oo dabar wayn ku ah bulshada muslimka ah ee Soomaliyeed inay shaqo ka helaan hay’adahaasi.

Hay’adda World Vision ayaa waxay boggeeda internetka ku xayaysiisay boos shaqo oo ka bannaan xafiiskeeda magaalada Garowe, waxaana ay hay’addu shaqadaasi shuruud uga dhigtay in qofka shaqadaasi doonayaa uu yahay mid u go’ay diinta Kiristanka, sida uu ku warramayo Wariye Jamaal Cusmaan oo ka tirsan Websiteka Dalsoor iyo TV-ga Channel4.

Wariyuhu waxa uu leeyahay hay’adda World Vision waxay ka mid tahay NGO-yada ugu waawayn ee ka hawl-gala Soomaaliya, waana hay’add kiristiyaan ah waxaana ay hay’addani dhaqaale xooggan ka hesha Yurub iyo America, Maamulayaasha hay’adduna way og yihiin in bulshada Soomaaliyeed ay tahay muslim, markaa waxa iska hor imaanaya in ay marna dhahaan waxaanu caawinaynaa Soomaalida haddana ay leeyihiin shaqadayada waxa soo dalban kara oo kaliya qof kiristaan ah. Go’aan kanna waxa uu si cad u takoorayaa Soomaalida oo ah bulsho muslim ah.

Soomaali badan oo shaqadan u baahan ayaa jirta kartina u leh in ay qabtaan, waxa se ka hor istaagayaa waa diinta kiristaanka ee ayna aaminsanayn. Ayuu leeyahay Wariye Jamaal Cusmaan.

Halkan Hoose ka Daawo Wariye Jamaal Cusmaan Oo Arrintan sharraxaaya

Comments are closed