|

“Masiibada dadka haleeshaa iyo wanaagga ay helaanba, waa wax Xagga Alle ka qoran” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 7,April,2016(SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya Magaciisa kan dawladda iyo ka Shacbiga Somaliland wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, ehelada, qaraabada, iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxeen dadka Masiibada daadadku ku dileen degmada Dela ee gobolka  Awdal.

Axmed-Siilaanyo1Sidoo kale wuxuu dhambaal uu ugu damqanayo u diray qoysaska, ehelada iyo qaraabada kuwii ay Jeclaayeen Lala’yahay ee sababeen daadka Ilaahay keenay.

Madaxweynuhu wuxuu amray masuuliyiinta qaranka, hay’adaha dawlada ee shaqada ku leh iyo Ciidamada qalabka sida, inay ka qeyb galaan gurmadka baadigoobka dadka la la’yahay iyo Samatabixinta iyo wax u qabashada dadka dhibaatadu kasoo gaadhay masiibadaa, dadka ku maqanna raq iyo ruux dhakhso loo soo sugo.

Madaxweynuhu wuxuu Ilaahay uga baryey inta ku dhimatay inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo, kuwa la’yahayna dhakhso loo helo iyagoo bedqaba.

Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) wuxuu yidhi “ Masiibada dadka haleeshaa iyo wanaagga ay helaanba, waa wax Xagga Alle ka qoran”, “ siduu Illaahay SWT sheegay.

Ilaahay Samir iyo iimaan  saadiqa ha innaga siiyo, beddel kheyr qabana halkoodii ha innoo soo gesho kuwa ku dhintay”, kuwa la la’yahayna Alleha inoo keeno”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu amray in la baajiyo shirkii golaha wasiirada ee todobaadlaha ahaa ee Khamiista maanta oo kale la qaban jiray, Isagoo masuuliyiinta qaranka u kala diray, una baxeen Janaasada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ee Burco, oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin u horkacayo Madaxweyne ku xigeenku weheliyana Wasiirka Madaxtooyadda,  iyo Gurmadka  Dila oo ay u baxeen masuuliyiin uu horkacayo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kana mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo masuuliyiin kale.

Comments are closed