|

DAAWO SAWIRRADA: Wasiir Ku Xigeenka Qorsheynta Oo Ka Qayb Galay Madal Lagu Fooladeeyey Xeer Ilaaliyaha Cusub Ee Gobolka Hargeysa Mr. Mawliid Cabdi Muuse

Hargeysa Sept 05,2015(SDN/QJ)- Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa xalay ka qayb galay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee cusub ee gobolka Maroodi-jeex mr. Mawliid Cabdi Muuse.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimaya waxa kasoo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka Cabiraxmaan Yuusuf Ismaaciil (Cabdi waddaad), guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac), hawl wadeenada xafiiska xeer ilaalinta gobolka Hargeysa iyo marti sharaf kale oo turo badan. Ugu horeyn Cali Cabdi Cabdulle oo halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada xafladan, waxaanu yidhi; “waxaanu xafladan soo dhaweynta ah u qabanay xeer ilaaliyaha guud ee cusub ee gobolka Hargeysa Mawliid Cabdi Muuse oo runtii aan shaqada ku cusbayn, balse xilka ku cusub, waxa kaloo isagana aanu sii dhaweynaynaa, soo dhaweynaynaa xeer ilaaliyihii hore ee xafiiskan oo isaguna aan naga dheeraan, balse loo beddelay gobolka Tog-dheer, Axmed Cismaan Mire. Runtii xeer ilaaliyaha cusubi waa masuul da’yar waxaanu ka mid yahay, isbeddelada dhinaca garsoorka lagu sameeyay.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Hargeysa ee cusub Cali Suudi oo isna madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xeer ilaaliyaha cusub isagoo ku boggaadiyey xilka loo magacaabay in loo duceeyo, maxkamad ahaana u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican la yeelan doonaan xafiiska xeer ilaaliyaha oo uu tilmaamay in markii hore ay wadashaqayn fiicani ka dhaxaysay. Si taasi la mid ah guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa isaguna boggaadiyey xilka xeer ilaaliyaha cusub loo magacaabay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo isu duwida hay’addaha caalamiga Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay Mawliid Cabdi Muuse Xeer ilaaliyaha Cusub ee gobolka Hargeysa oo uu sheegay inuu yahay masuul da’ yar oo firfircoon, waxaanu Alle uga baryay inuu xilkaasi culayskiisa u fudaydiyo, kuna asturo.

Hormoodka kuuliyadda qaanuunka jaamacadda Hargeysa Maxamuud Xuseen Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha cusub ee soo dhaweyntiisa u fadhiyeen uu ka mid ahaa ardaydii wax ka soo baratay jaamacadda Hargeysa ee ay kuuliyadaadu ka hawl gashay horumarintooda, hormoodku waxa uu ku dheeraaday dedaalkii xafiiskiisu u galay in aqoonyahannada ka soo baxa jaamacadda ay shaqo geliyaan, isagoo taasina suurto gelinteeda kala kaashaday masuuliyiin uu ka mid ayahay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan oo laftiisu ka mid ahaa masuuliyiinta jaamacadda Hargeysa. Waxa kale oo hormoodku uu sheegay in markii u horaysay ay ku guulaysteen inay waaxda garsoorka ka hawl geliyaan tiradii ugu badnayd ee aqoonyahanno ka soo baxa jaamacadda, kuwaas oo uu xeer ilaaliyaha cusubi ka mid yahay, sidoo kalena ay markii u horeysay taariikhda Somaliland ay xeer ilaalinteeda ka hawl galaan, Hablo xeer ilaaliyeyaal ahi, kuwaas oo uu carrabka ku dhuftay inay ka mid tahay Marwo Aswaan Maxamuud Jibriil oo uu iyada ku nuuxnuuxsaday in caalamku u aqoonsaday gabadhii u horeysay ee xeer ilaalinta Somaliland meeqaam sare ka gasha (First lady). Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, waxaanu ka sheekeeyay horumarka iyo isbeddelka uu xafiiskiisu ku sameeyay xilka shaqada uu qaranka u hayo, waxaanu sheegay in xeer ilaaliyaha cusub ee gobolka uu ka mid ahaa xubnihii markii uu xafiiska yimi ka hawl galay shaqaalayntooda.

Gabagabadii xafladan waxa halkaasi ka hadlay xeer ilaaliyaha cusub ee xafiiska golbolka loo magacaabay Mawliid Cabdi Muuse, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranku Xasan Axmed Aadan oo sidoo kale ahaa macalinkaygii jaamacadda Hargeysa, ayaa maalmihii xilka loo magacaabay aan maalin xafiiska ugu tegey, waxa uu igu yidhi [Mawliidoow] xagee ayaad joogtaa oo aad ka shaqaysaa?, waxa aan ku idhi xeer ilaaliye waxaan ahay sarkaal bilays ah oo ka hawl gala xafiiska laanta dembi baadhista [C-I-D] wuxuu igu yidhi halkan xafiiska xeer ilaalinta ayaan kaa hawl gelinayaa ee  yaa kula jooga oo aad wada shaqaysaan,  waxa aan ku idhi waxaanu wada shaqaynaa laba hablood oo markaa iyaguna bilays ahaa oo Aswaan ka mid ahayd  iyo laba sarkaal oo kale oo xeer ilaaliyihii hore ee Gobolka Gabiley iyo Cabdiraxmaan Iid kala ahaa. Shantayadaas baanu nahay baan idhi. Xeer ilaaliyaha guud waxa uu igu yidhi shantiinaas baan waan idin hawl galinayaa ee maalinta sabtida ii xafiiska iigu kaalaya.” Sidaas ayuu yidhi xeer ilaaliyaha cusub ee gobolka Hargeysa loo magacaabay Mawliid Cabdi Muuse, waxaan intaa ku daray “Runtii Xeer ilaaliyaha guud waxaa ka go’nayd  in xafiiskiisu noqdo mid is bedel ku yimaado, taasna waa uu kaga dhabeeyey oo waxaa marag u ah taas maalintaas aanu u tagay waxa aanu ahayd shan qof oo keliya maantana waxaa xafiiska xeer ilaalinta qaranka ka hawl gala dhawr iyo soddon xeer ilaaliyeyaal ah oo qaarkood ku xigeenno xeer ilaaliye guud u badan yihiin kuwaas oo dhammaantood ka hawl gala xafiiska, run ahaanna aad baan ugu ammaanayaa uguna bogaadinayaa xeer ilaaliyaha guud arrintaas”.

Gebogabdii hadalkiisa waxaa xeer ilaaliye Mawliid Cabdi Muuse u mahad naqay  hawl wadeennada xafiiska xeer ilaalinta iyo asxaabtii soo qaban qaabisay xafladan oo u ka mid ahaa Mukhtaar Cabdi Ciise.

Xigaxo:Hubaal

Comments are closed