Mombasa 05.October 2013 (SDN)-Rag hubeysan ayaa ku dilay magaalada Mombasa afar qof oo uu ku jro wadaad Muslim ahaa oo diinta ka fidin jiray masjid ku yaala magaaladaas, sida ay sheegayaan saraakiisha booliska.
Weerarka ayaa dhacay shalay gelinkii dambe.
Wadaadka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Ismaacil ayaa wuxuu ka wacdin jiray masjidka Musa ee magaalada Mombasa.
Wararka ayaa sheegaya in sheekha uu u muuqday in uu beddelay Abdou Rogo Maxamed oo ahaa wadaad lagu eedeeyay in uu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab, kaasoo bishii August ee sanadkii hore lagu dilay Mombasa.
Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in rasaas lagu furay shan qof oo uu ku jiray wadaadka oo saarnaa gaari, waxaana weerarka ka badbaaday hal qof.
Wakaaladda Wararka AFP ayaa laga soo xigtay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga, xilli ay marayeen waddo weyn oo ku taalla waqooyiga Mombasa.
Koow iyo labaatankii September weerar lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu dilay 67 qof in ka badan 100 qofna waa lagu dhaawacay, iyadoo ay weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.
Mombasa SDN.
Qurbejoog.com
