|

Dad Cadaan ah oo lagu Laayey Magaalada Fresno & Booliska oo xidhay Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas SAWIRO

Fresno 19. April 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan saddex nin oo caddaan ah ayaa la dilay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu nin madaw ahi rasaas ku furay iyagoo ku sugan magaalada Fresno ee gobolka California ee dalka Maraykanka.

Waxaa looga shakisan yahay in uu ahaa weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.
Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay Talaadadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliis ah.

Illaahay baa wayn oo af Carabi ah ayuu ku qaylyay markii la xiray laakiin Dyer wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab midab sooc ku salaysan.

Kori oo 39 jir ah ayaa Booliisku waxay sheegeen inuu Facebook ku bidhaamiyay inuu neceb yahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda.

Dhamaan dadka ay rasaastu ku dhacday waa caddaan, mid ka mid ahna waxay xabbaddu ku dhacday isaga oo fadhiya gaarigiisa.

Comments are closed