|

Qaadhaan shaqaalaha Qaramada Midoobay guddoonsiiyeen Guddida Abaaraha Somaliland

Hargaysa 19. April 2017 (SDN/QJ):- Xubno metelaya UNICFE, WFP, UNHCR, UNDP, FAO, UN-Habitat iyo Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay ayaa maanta Guddida Abaaraha ee Somaliland guddoonsiiyey lacag dhan $7000.

Lacagtan ayaa ah qaadhaan ka yimid shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah oo mushaharkooda ka soo jaray, iyadoo shaqaalahani ay marar horena si gaar ah lacago ugu deeqaan gurmadka abaaraha.

Gavin Roy oo ka socday Xafiiska Isu-Duwaha Qaramada Midoobay oo ka hadlay madashii lacagta lagu wareejinayey ayaa yidhi “Qaadhaankani wuxu astaan u yahay sida ay shaqaalaha Qaramada Midoobay uga go’an tahay in ay caawiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Somaliland iyadoo sidoo kale ay shaqaalaha Qaramada Midoobay qabtaan shaqo aad u adag oo lagaga hor tagayo macaluul ka dhalan karta abaaraha.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md. Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyey qaadhaankan ay shaqaalahoodu iska soo ururiyeen iyo guud ahaan korodhka ay ku sameeyeen taageerada la siinayo dadka abaaruhu saameeyeen. Wuxu Wasiirku sheegay in uu sidoo kale jiray qaadhaan kan ka horreeyey oo $1700 ahaa oo ay shaqaalaha UNDO, UNFPA, UNDSS, OCHA iyo RCO guddoonsiiyeen Guddida Abaaraha.

Wareejinta qaadhaankan shakhsiga ah ka sokow, xubnahan metelayey Qaramada Midoobay waxay Guddida Abaaraha uga warrameen shaqada dhinaca gurmadka abaaraha la xidhiidha ee ay Qaramada Midoobay qabato iyagoo xusay in Qaramada Midoobay ay si adag uga shaqaynayaan sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu dardar geliyo hawlaha gurmadka, gaar ahaan hawlaha la xidhiidhiya in dadka la gaadhsiiyo biyo nadiif ah, nafaqo, lacag kaash ah, gargaar caafimaad oo degdeg ah, hoy ay galaan, ilaalinta nabadqabkooda iyo agabyada beeraha oo loo qaybiyo beeralayda.

Comments are closed