|

Dadku waa isku seegi karaa aragtida siyaasiga ah, se iskuma seegi karaan dad jecel, iyo dal jecel!!!

Dadka way kala aragti duwan yihiin taasna alle ayaa inoo abuuray, in aynu isku si wax u wada arki wayno, mararka qaar waxa abuuri karta deegaanka, ama dabeecada aad la nooshahay in ay ku farto waxyaabbo la yaab leh , sida oo kale shaqooyinka la qabto waa loo kala adkaaysi badan yahay, waxa aad arki karta qof aad u caato ah oo ka hawl badan, ama ka karti badan kuwa ka awoodo xoogan, ama ka lafo waaweyn, taasi waa haybad alle siiyo qaar inaga mid ah, waxa fiican in aynu u qirno libinttooda qof ahaaneed, iyo meelaha ay bulsho ahaan innoogu jiraan in ay gufeeyeen, ama inaga biixiyeen.

 

Aan u soo daa dago ujeedkayga hadal, iyo waxa igu kalifay in aan xilligan hadlo, ama qoraal aan idin la wadaaggo. Waa sabab marar hore na aan ku xusay qormooyin hore oo warbaahinta laga heli karo, ama dad kala duwan ka hadleen oo ah daryeelka kuwii naftooda u soo huray, iyo maalkoodaba dalkan, maanta aad ku tamash laynayso, ama aad madaxda ka tahay adiga oo aan waxba gashan, aqoon ahaan, maal ahaan, iyo halka u qaalisan ee rag ku kala taago oo ah naf hurnimo, ama waxa aynu u naqaan Geesinimo oo aan dhayaal lagu gaadhi karin. Haddaba ninka gaadhay muxuu istaahila? waa abaalmarin, abaalmarin marar badan ayaynu ku taxnaa kuwa aan u qalmin, ama aan gaadhisiisnayn halkii looga baahan abàalcelin, iyo qirniin halka uu joogo qof, ama bulsho gooniya. Waxba aynu hadalku ila si dheeranine, dacwad ayaan ka leeyahay arrimaha soo socdaa;

 

Gacal kala Maqnaa iyo Geeluba waysu Ololaa

 

Ha i salaamine hab i sii Yuusuf

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa saaka si kadiso ah ay isugu soo baxeen saaxiibkii  Col. Yusuf Cabdi Oday oo ay ka soo wada qaybqaateen halgankii SNM. Yuusuf waxa uu ahaa Taliyihii Tababarrada SNM ee dugsiyadii Baabuli ,Awaare, Labi sagaala iyo meelo badan oo kale, waxaanu soo tababaray Kumanaan ka tirsanaa ururkii SNM.

 

Col Yuusuf Oday waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii ku jirtay Inqilaabkii dhicisoobay ee Col.Cirro iyo Cabdilaahi Yusuf isku dayeen inay Siyaad Barre Xukunka ka tuuraan.

 

Muj. Yuusuf waxa uu  xiligaas ka dib u talaabay Dalka Itoobiya isaga oo ku biiray ururkii SSDF iyada oo aan SNM la samayn. Markii Ururkii SNM la sameeyay ayuu ku soo biiray oo uu noqday Madaxii Tababarada.

 

Muj. Yuusuf Markii Dalka la soo galay ilaa imika waxa uu ka shaqeeyaa sidii u tababari lahaa Saraakiisha iyo Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

 

Waa Sarkaal Qunyar socod ah oo af gaaban. Waa aasaasayaasha ciidamada booliiska, Ama nabadgalyada, iyo saaxiibka bulshada.  waa foolaadkooda, Marar badan ayaan ka daawayda Tvga qaranka, iyo idaacada hargaysa iyaga oo waraysanayaa taariikhda uu ciidanka booliska, iyo asaaskoodaba, dhibtii ay u soo mareen, ciidan haybad, iyo aqoon leh sida ay u sameeyeen.

 

Haddaba dacwadaydu waxa ay tahay in maanta loo baryo miyay tahay dakhtar dibadeed, iyo caawimo caafimaadkiisa ah oo la isheegay inuu daba socday sannadahii u danbeeyay madaxtooyadda, ama masuuliyiinta ay khusayso, waa ceeb, iyo caydhino sidani, ee sidan ha la isku dhaammo, inta uu qofku nool yahay, waxba tarimayso camerado la iska duubo, iyo warqad tacsi ah oo aad hadhaw warhaabinta loo qaybiyo,ama aas qaran oo aad u sameyso qofkaga, haldoorka ah, adduuniyada kale taalooyin, iyo madxafyo ayaa loo dhisaa, aan waajibkeena guddaano inta nolosha uga hadhay, yuusuf Cabdi Oday, iyo inta la midka ah.

 

Adduuniyada waa la saacid

Ruux hadduu samaan jiree.

Wakhtiga dadka kala saaray

Rag sinaan, iyo maamuus leh.

Saacidadu waa ta raxmaanke

Raboow yasir amuuraha.

Sacabadaan ku hoos dhigtee

Rabboow aday taada tahee.

 Idiris Tooxyare.

 

Waxa aan codsan lahaa in farriintayada la gaadhsiiyo madaxwaynaha, hoos na loo eego arrimaha caafimaadkiisa Mujaahid,iyo Col Yuusuf Cabdi Oday, cidda aynu doonayno in ay inaga gaadhsiisa waa madaxda ka agdhaw sida Latalyaha arrimaha bulshada Abdiwahid Abdirahman, Agaasimaha madaxtooyada Mohamed Ali Bile, Afhaayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, iyo wasiirka beeraha Ahmed Muumin Seed, iyo wasiir kuxigeenka warfaafinta Mahamed M Abees. Hawsha ka soo dhalaaladha, ama iska xilsaara in aad soo dhammaysan.

Dhib weyn ayay igu haysaa  waa Abbahay saaxiibkii, Yuusuf Cabdi ODay.

 

Alle ha idin ku asturo, isaga na caafimaad, cimri dharaar, iyo cibaado suubban haku nooleeyo, aammiin yaa rabbi.

Qoraalkii Idiris Tooxyare iyo Danjire Kaysar Maxamed

Comments are closed