|

Xorriyadii laga qaatay gumaystahii maxay dhashay 26june 1960?

Habeenkani wuxuu ahaa habeen suman gooniya lahaa, farxad, raynrayn, rajo, iyo yidiidilo laga qabay soomaali mid ah, dawlad ahaan, iyo dal ahaanba. Taasi ma dhaboobin, ama muran ayay gashay ayaynu odhan karnaa, sababo siyaasadeed, iyo saluug yimi awgeed. Wali halkiiba la taagan yahay, manaan ka dhaqaaqin, umana jeeddano? Horumar, iyo muuqasho aanu filkaayo kula tartano ma jirto. Illaa hadda?, waanu isu muuqana, cid kale, se nooma muuqato. hareeraha ma eegno, annaga ayaa hagardoomo isugu filan. maxaanu cid kale iska eegnaba?

Waxa aad garan kartaa hal-abuurada soomaalida qaarkood inay indheer-garad ahaayeen, halka kuwa kala na ay meel dhaw waxa ka arkayeen, bal aynu eegno kuwa, iyo kala duwanaanshahooda aragtiyeed inaga oo aan kala garabsanayn, ama taageero gooniya muujinayn sida ay kala ahaayeen.

 

Markii la isugu yimi beerka xorriyada hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen odayaal dhaqameedkii, siyaasiyiintii, aqoonyahanadii, dumarkii, dhallinyaradii, iyo gumaystahii badhasaabkiisi joogay marka, iyo abwaanno taro badan. Waxa gabayyo soo tiriyay Timacadde, iyo Guhaad Cabdi Gahayr oo kala aragti duwanaa, nin farxadiiba madaxmartay, iyo nin kale oo meel fog waxa ka arkayay, ama wax ka eegay, aan kusoo dhawaaddo ujeedkayga.

 

Timacadde wuxuu yidhi;

 

Sarreeyoow ma nusqaamo

Bal siduu yahay aan eegnee

Kanna saar kanna siib.

 

Halka uu ka duwanaa Guhaad;

 

Good, iyo abees baa isbedelay

Garana maysaanee.

Gocondhooyin baa aasan, iyo mici gabaarayee………..

 

Midaabka soomaalibaad moodda

Misnaa Laguma diirsade caqligu

Waa dirkii karal.

 

Ujeedkiisu wuxuu ahaa waxba iskamay bedelin dawladnimadii ingiriiska, waayo dad u tabobaray ayuu ka tagay, oo aragtidiisa ku shaqaynaaya, maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa ” ayaax tag eel na reeb”

 

Marar badan ayaa arkaysa soomaali isku dilaysa waxa aanay “sakaaro ka biiqsan”, ama aan macno badan sameynayn. Sidaa ceelal biyoodyo, dhul daaqsimeed, iyo hab qabiilaysan, iyo habab maamulaysan, Tusaale punland, iyo galmudug, berigii dhawayd ee ay diyaaradaha maraykan ka ay isku soo hageen, iyo soomaalilaan, iyo punland muran ka ay galiyeen dhulka u dhaxeeya.

Xilliyadii hore colaado beelaysan, iyo shirqoollo ayay isku madhin jireen, hadda se maamulo ayay isku dilayaan, iyaga oo aan cidna waxba taray, max ay yeelan mooye! Dadka dhibta halaga dhaafo, oo wanaag, iyo walaaltinimo halagu soo dabaalo. Cuqdaad, iyo ciil haku dilina dhallinyaradda labada dhinac, halkay kala tartami lahaayeen asaagood, dalalka jaarka. Qorshe, iyo qabab maamul wanaag ayay u jeelan yihiin. Aqoon ayaa ka buuxda ee wanaagooda, iyo fikirkooda ka faa’iidaysta. Inta ay baddaha, jeelasha addduunka, iyo colaadaha sokeeye ku lee’an lahayeen.

 

Miyaydaan arkay qayrkood waa raysal waraasayaal, iyo madaxwayneyaal.

Tusaale raysal wasaaraha itoobbiya mudane Abya Axmed Cali waa afartan, iyo kow jir haddana waa hoggaamiyaha boqol milyan, ahna ninka ugu awoodda badan berriga afrika, siina haysta ninka ugu da’da yar madaxda afrikanka. Wuxuu ku fikirayaa shaqo abuur inuu uga sameeyo soomaaliya dhallinyaradiisa  sida ka muuqatay hadalkiisi ugu danbeeyay ee caasimadda u ka jeediyay mar u su’aalayay wiil dhallinyaro ah oo qoomiyadiisa maamul hooseed u doonayay, waxa uu ugu jawaabay waxaanu doonayna sabtida, iyo axada in aad ka shaqayso muqdisho, iyo soomaaliya.

 

Aan soo afmeero qalinkaygan,

 

Soomaaliyay waad hurudaa

Sabanadane hadmaad toosi

Sabadii la qaybsaye?

 

Saamigii aynu lahayn afrikada

Saluugba inagu jira, iyo daciife

Samahii, iyo wanaag aynu lahayn

Mee?

 

Hambalyo maalintii Xorriyada soomaalida, iyo dhulkii ugu horreeyay calanka soomaalidu leedahay laga taago oo hargeysa ahaa, waxa aan ka xumahay midnimada dhicisawday, iyo hagardoomayinka aad isku haysan markaste. Waxyaabaha lagu kala wanaagsan yahay ha la isku sharfo, hana la isku bogaadiyo si ay jecel, iyo walaaltinimo u si jirto. Sida oo kale wax ha la isku ogolaado, maalmahan waxa aynu arkaynkay muran ka taagan mucaawinada soomaalilaan, waa idinku ceeb soomaalida kale. In aad wax ka daydaan meel aanay waxba ku jirin.

 

Waa qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare)

 

Degmada Muxammad Mooge,

hargeysa, soomaalilaand.

Comments are closed