Muqdisho:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo ah Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne, ayaa xalay xilli dambe xorriyadiisii dib u helay kadib markii loo xidhay arrimo musuqmmaasuq la xidhiidha raashin dad qaxooti ah loo qabinayey.
Tuhunka Guddoomiyaha loo xidhay, ayaa salka ku hayey Raashin gargaar ahaa oo dad danyar ah loogu talogalay oo dhawaan lagu soo bandhigay Saldhigga Degmada Xamarjajab.
Gudoomiye C/qaadir ayaa sheegay in xalay abaaro 01:00 “Todobo Saac” uu dib u helay xorriyadiisa oo lasii daayay, kadib markii wax dambi ah lagu waayay sida uu sheegay.
“Dhammaan Asxaabteyda Waad mahadsan tihiin, xilligan oo ay Saacadu ku beegan tahay 1:00 saqda dhexe, waxaan idinla socodsiinayaa inan xoriyadeyda dib u heylay kadib saacado la waday baadhitaan.alxamdulilaah bari subax shaqadeyda dib ayaan u bilaabayaa mudadii yareydna waxan idiin sheegaa in wax danbi ah la igu waayay (daacadi ma hungowdo) waxana diyaar u ahay inaan ushaqeeyo shacabkeyga waliba si daacad ah” sidaasi ayuu yidhi gudoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Arinta ayaa kusoo aaday iyadoo la sheegay in xabsiga la dhigay dadkii iibsaday raashinka gargaarka ee loogu talo galay dad rayid ah oo ku sugan isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
