|

Dagaal khaasro baaxad leh geystay oo maalintii labaad ka socda Laascaanood

Laascaanood August 23, 2023 (SDN)– Rasaas xooggan oo la is weydaarsaday ayaa goor dhaweyd laga soo sheegayaa Bariga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Iska horimaadkan ayaa waxaa ku lug lahaa maleeshiyaad taabacsan Muuse Biixi Cabdi iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan gudaha magaalada.

Dhinaca Galbeed ee Laascaanood waxaa mar kale ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn). Intaa ka dib, waxaa bilaabmay dagaal aad u culus oo ay dagaallo isdaba joog ahi ka dhaceen agagaarka aagga loo yaqaan Maraaga.

Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Shalay ayay ahayd markii dagaal daba dheeraaday uu ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, waxaana dagaalkaasi uu socday ilaa maanta. Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Maamulka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaaladii dhawaan dhacay, waxaana taasi ay keentay in xiisaddu ay weli taagan tahay oo ay suuragal tahay in iska hor imaad hor leh uu dhaco.

Comments are closed