|

Muuse Biixi oo hogaan u cusub u dooray xisbiga Kulmiye

Burco August 21,2023(QJ)-Magaalada Burco waxaa ka socday muddo laba maalmood ah shirkii 8aad ee gollaha dhexe ee Kulmiye oo ay isugu yimaadeen hoggaanka xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya. Shirkan ayaa intii uu socday waxa laguĀ caleemo saaray xubno uu soo xushay madaxweynaha Somaliland.

Shirweynahan oo maanta la soo gebagebeeyey ayaa lagu doortay guddoomiyaha xisbiga iyo ku-xigeenkiisa, iyo musharraxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee doorashada Somaliland.

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, halka madaxweyne ku xigeenkana la guddoonsiiyay Maxamed Xasan Sacad Saajin oo isna ka tirsan Kulmiye.

Sidoo kale, waxa isna la doortay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Hadda waxa uu hayaa xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaana guddoomiye ku xigeenkiisa loo magacaabay Cabdicasiis Samaale.

Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku muddaysnayd 13 November 2022, ayaa dib u dhac ku yimid ka dib markii Muuse Biixi uu muddo kordhin u sameeyay laba sannadood, waxaana sidaas oo kale dib loo dhigay doorashadii xisbiyada.

Somaliland waxa ay wakhtigan u cakiran tahay khilaafyo doorasho iyo hogaan xumo. Dagaal socday muddo bilo ah ka socda Laascaanood, halka Jabhad taageersan isbedel doon oo ku sugan buurta Gacan-Libaax.

Comments are closed