|

Dagaal xoogan oo laga soo sheegayo Magaaladda Ceel-buur iyo khasaaraha ilaa hadda ka dhashay

30,Apr.2014(SDN/QJ)- Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in ilaa saaka uu dagaal culus ka socdo magaalada Ceelbuur. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidanka Ethiopia ee ku sugan halkaasi iyo xoogaga Ururka al-Shabaab. Dagaalkan ayaa la sheegayaa in laysu addeegsanayo Qaybaha kala duwan ee Hubka.ma caddda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.laakiin wararka hordhaca ah ee ay Helayso Shabakadda caalamiga ah ee Qurbejoog.com,ayaa sheegaya in Khaaruhu uu ku badan yahay Kooxa Dagaalamaya.

Dhinaca kalena Dagaalkan,ayaa saamayn taban ku Yeeshay dadka Shicibka ah ee Magaalada ku noolaa,o markii Horeba la daalaadhacayay Abaaro iyo Biyo La’aan Baahsan oo soo foodsaartay.

Isgaadhsiinta magaalada ayaa gabi ahaan go’an taasoo su’aal galinaysa Helitaanka Xogo lagu kalsoonaan karo oo u ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee Dagaalka ka dhashay.

SDN/QJ-ceelbuur,Somalia

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed