|

Doorashooyin Dhinaca Baarlamaanka ah oo looga dareeray Dalka Ciraaq

30,Apr.2014(SDN/QJ)-Dadka reer Ciraaq ayaa u dareeray doorashadii ugu horreysay ee dalkaas laga qabto tan iyo markii ay ciidammada Maraykanka halkaas ka baxeen.

Doorashadan ayaa ah mid si dhaw loola socdo,gaar ahaana Beesha caalamk.waxaanay u tahay Dawladda uu Hogaamiyo Nuural-Al Maaliki,tijaabo adag oo ku aadan suura galnimada in uu dalku gaadho heer Qofka Cod Kurisiga lagu saaro.codna lagaga Qaado.

Laakiin dad falanqeeya Siyaasadaha bariga dhexe,ayaa sheegay in rajadaasi ay wali tahay mid fog,oo dallku la daalaa-dhacayo Qalalaasa ka Aloosan Guud ahaanba Gobolka.

Doorashadan maanta oo Arbaca ay dadka reer Ciraaq u dareerayaan ayaa Waxay soo dooranayaan mudanayaasha baarlamaanka.

Ra’iisalwasaare Nuuri Al-Maaliki ayaa doonaya in xisbigiisa mar kale aqlabiyad uu helo si uu u sii hayo jagadaas.

Balse waxaa olalihii doorashada hareeyay qalalaase ballaaran oo dad badani ku dhinteen.

Doorashada kama dhici doonto qeybo ka mid ah gobolka Anbar ee Sunniyiintu degan yihiin.

Dowladda Nuuri Al-Maliki ee ay hoggaaminayaan Shiicada aya dagaal kula jirto ururro gacan saar la leh Al-Qaaciddah oo gobolkaas ku xoog badan.

SDN/QJ-Baqdaad

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 ciraaq

Comments are closed