|

Dagaalkii oo Laascaanood la isala baxay

Laascaanood Feb 27, 2023 (QJ) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa saaka ka sii xoogeystay dhanka waqooyi bari ee magaalada Laascanod. Goob joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka maanta uu ka dhacay meel qiyaastii 8 KM u jirta magaalada, halkaasoo uu ku yaal saldhigga ciidamada Somaliland.

Ciidamada SSC ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen ciidamada Somaliland. Wararka ayaa sidoo kale xaqiijinaya in dagaalka labada dhinac dhex maray uu ahaa kii ugu cuslaa ee maalmihii la soo dhaafay.

Wali si rasmi ah looma hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli socda. War saxaafadeed ka soo baxay guddiga SSC iyo Khaatumo ayaa lagu sheegay in dagaalka saaka ay soo qaadeen Somaliland.

Balse war ka soo baxay dowladda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland, sheegasho ay Puntland markii dambe beenisay.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii dawladda Somaliland ay sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso qaar ka mid ah saldhigyada ay ku leeyihiin Sool.

Comments are closed