|

Taliyeyaal muqdisho ka tegay oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Feb 28, 2023 (QJ) – -Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood meel qiyaastii 6 ilaa 7 KM u jirta magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa bulshada deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Saraakiisha hogaaminaysa maleeshiyaadka SSC ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen ciidamada Somaliland inay maanta madaafiic ku garaaceen isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa beeniyey inay duqeymo ka geysteen goobo rayid ah oo ku yaalla magaalada Laascaanood, waxaanay wararku intaas ku darayaan in ciidamadoodu ay shalay iyo maanta dagaal ku qaadeen duleedka magaalada Laascaanood, waxaanay Somaliland sheegtay inay magaalada ku sugan yihiin taliyayaashii hore ee ciidamada Booliska iyo Badda Soomaaliya iyaga oo hadda dagaalka hogaaminaya.

Comments are closed